Booqashadii shaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ku tagay Talyaaniga waxay ahayd mid guul leh – Axmed Shide

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 19/2017 (ENA): Wasiirka Maaliyadda JDFI Axmed Shide ayaa sheegay in booqashadii shaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) iyo wafdigiisu ay ku tageen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ay ahayd mid guul leh.

Wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ee ddalka Talyaaniga, ayaa xusay in wadahadallo miro-dhal ah ay la yeesheen madaxda dalkaasi.

Waxa uu sheegay, in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu kulan ballaaran la yeeshay baadariga fatikaanka Pope Leo 14-aad iyaga oo ka wada hadlay xiriirka Itoobiya iyo faatikaanka, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waxbarashada, nabadda adduunka iyo arrimo badan oo labada dhinacba khuseeya. Waxa uu sidoo kale sheegay in ay heshiis ka gaareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.

Waxaa sidoo kale ay faatikaanku ballanqaadday in ay sii kordhin doonto taageerada horumarinta waxbarashada Itoobiya.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa wadahadal dheer la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni. Kulankooda waxa lagu xusay in xiriirka labada dal uu gaadhay heer sare oo saaxiibtinimo isla markaana uu sii kobcayo.

Intii uu kulankaasi socday, waxaa la tilmaamay in Talyaanigu uu gacan ballaaran ka gaysanayo horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta iyo tamarta Itoobiya. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Talyaanigu uu sannadihii u dambeeyay si joogto ah u taageerayay mashruucyada horumarineed ee Itoobiya.

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan horumarinta deegaanka cagaaran, magaalooyinka iyo mashaariic kale oo horumarineed taasoo muujinaysa in iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga ee u dhexeeya Itoobiya iyo Talyaaniga uu sii xoogeysanayo.

Waxaa kale oo la xusay in dowladda Talyaanigu ay taageerayso sii socoshada dib-u-habaynta dhaqaale ee Itoobiya, iyadoo la xaqiijiyay heshiis arrintaas ku saabsan.

Wasiirka ayaa xusay in maalgashadayaasha Talyaaniga loo bandhigay fursadaha ay uga faa’iideysan karaan jawiga wanaagsan ee maalgashiga ee ay abuurtay dib-u-habaynta Itoobiya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan mashruucyo kala duwan oo maalgashi ah.

Guud ahaan, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu booqashadiisa Talyaaniga ku yeeshay wadahadallo balaaran oo ku saabsan arrimo badan oo la xiriira xiriirka labada dal, taageerada Talyaaniga ee horumarinta, dib-u-habaynta iyo tamarta, iyadoo la gaaray heshiisyo muhiim ah.

Booqashada Rome waxa ay xaqiijisay in dowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay in ay si buuxda u taageerto dib-u-habaynta Itoobiya, taasoo la tilmaamay in ay albaabada u furayso wajig cusub ee xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa wadahadal miro-dhal ah la yeeshay agaasimaha guud ee shirkadda Webuild Group, Mr. Pietro Salini, oo ay kaga wadahadleen dadaallada shirkaddu ugu jirto dhamaystirka mashaariicda ay ka waddo Itoobiya.

Wasiir Axmed Shide ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu ku dhiirrigeliyay in shirkaddu ay ka qayb qaadato mashruucyo horumarineed ee waaweyn ee la xiriira guryaynta, tamarta, macdanta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaale.

Agaasimaha shirkadda Webuild Group waxa uu dhankiisa caddeeyay sida ay xiisagnayaan ka qaybgalka maalgashiyo waaweyn, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah ula shaqeeyaan dowladda Itoobiya iyadoo la raacayo qorshaha uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaruhu.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015