Xukuumada Deegaanka Soomaalida ayaa wadda dadaallo lagaga midho'dhalinayo barnaamijka dhirbeerista ee raadka cagaaran

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 16/2017 (ENA): Barnaamijka dhirbeerista ee raadka cagaaran ayaa deegaan ahaan sanadkan 2017-ka T.I, la qorsheeyay in lagu beero guud ahaan Deegaanka 14,000,000 oo geed oo iskugu jira noocyada kala duwan ee dhirta.


 

Hadaba, masuuliyiinta Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga Deegaanka Soomaalida oo ka duulaya qorshahaas ayaa maanta booqday xarunta dalxiiska Shabeelley oo ka mid ah goobaha laga hirgaliyay barnaamijka dhaxalreebka cagaaran oo wajigii koowaad laga beeray 150,000 oo geed, taas oo lagaga midho'dhaliyay qorshihii wajiga koowaad ee dhirbeerista.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalo lagu diyaariyo dhirtii iyo meelihii laga beeri lahaa wajiga labaad ee dhirbeerista ee xurunta dalxiiska Shabeelley isla markaana laga beeri doono dhir dhan 120,000 oo geed oo isugu jirta dhirta noocyadeeda kala duwan.


 

Inj. Muxyadiin Cabdi, Madaxa Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga ee deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xafiiska oo kaashanaya bahwadaagtiisa uu wado dadaallo lagaga midho'dhalinayo qorshaha dhirbeerista ee dhaxalreebka cagaaran.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Ilaalinta_Deegaanka #Barnaamijka_Raadka_Cagaaran

Wakaalada Warka Itoobiya
2015