Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya Ayaa Xoojiyay Iskaashiga iyo Horumarka Wadajirka ah ee Dalalka Deriska ah - ENA Af-Soomaali
Barnaamijka Raadka Cagaaran ee Itoobiya Ayaa Xoojiyay Iskaashiga iyo Horumarka Wadajirka ah ee Dalalka Deriska ah

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 16, 2017 (ENA) – Waxaa la shaaciyay in hindisaha Raadka Cagaaran ee Itoobiya uu xoojiyay iskaashiga iyo horumarka wadajirka ah ee dalka iyo dalalka dariska la ah.
Danjire Shibiru Mamo, oo ah Agaasimaha Guud ee Dibloomaasiyadda Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee ENA in hindisaha Raadka Cagaaran uu helay aqoonsi iyo bogaadin caalami ah oo ku saabsan arrimaha dibloomaasiyadda deegaanka.
Wuxuu xusay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay mudnaanta siiso dalalka dariska ah, iyadoo la adkeynayo iskaashiga waara ee dhinacyo badan ah sida horumarinta aasaasiga ah, ganacsiga, iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in hindisaha Raadka Cagaaran ee ay dowladda Itoobiya hirgalinaysay lix sano kahor iyadoo la raacayo hindisa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu si dhow ula shaqeynayo dalalka dariska ah.
Waxa uu xusay in Itoobiya ay hormuud u tahay diblomaasiyadda dadweynaha iyada oo la wadaagaysa khibraddeeda, abuuridda geedo, iyo la wadaagidda waayo-aragnimo si loo xoojiyo xiriirka dalalka dariska la ah.
Danjire Shibiru wuxuu sheegay in hindisaha Raadka Cagaaran uu sii xoojiyay mowqifka ay Itoobiya ku dooneyso inay la wadaagto dalalka dariska ah dadaallada ay ku ilaalinayso kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo si siman oo waara loo isticmaalayo.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay la wadaagtay natiijooyin la taaban karo oo la xiriira ka hortagga isbedelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka, taas oo keentay in laga aqoonsado madal caalami ah.
Wuxuu xusay in abuuridda malaayiin geed sannad kasta ay tahay guul la taaban karo oo ka soo hoyatay hindisaha Dhaxanta Cagaaran, taasoo kor u qaaday sumcadda Itoobiya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in qunsuliyadaha Itoobiya ee caalamka ay si firfircoon uga shaqeynayaan faafinta iyo horumarinta hindisaha Dhaxanta Cagaaran.
Danjiruhu wuxuu intaas ku daray in khibradda Itoobiya ee la dagaallanka nabaad guurka ay dhiirrigelisay dalalka dariska ah in iyaguna ay bilaabaan dhir beerista.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Horumarinta, Ilaalinta iyo Ka Faa’iideysiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee Wasaaradda Beeraha, Fanosi Mekonnen, ayaa sheegay in hindisaha uu ka shaqeeyay dib u soo celinta dhulka xaalufay, kordhinta qoyaan-dhuleed, iyo kor u qaadida ilo-biyoodka.
Isagoo sii faahfaahinaya, wuxuu sheegay in 40% geedaha la beeray ay yihiin kuwo dhir ah, halka 60% kale ay yihiin geedo mirood, kuwaasoo sidoo kale kor u qaadaya tayada iyo caafimaadka carrada.
Fanosi wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay muujisay rabitaan sida ay ugu dadaalayso in ay la wadaagto khibraddeeda ilaalinta deegaanka dalalka dariska ah si siwadajir looga shaqeeyo horumarka waara.
Wuxuu sidoo kale sheegay in beerista geedaha la xiriira hindisaha Raadka Cagaaran ay kaalin ka qaadanayso yaraynta khatarta fatahaadaha ee dalalka hoose ee gobolka.
Ugu dambeyn, Fanosi wuxuu xusay in sannadka 2017 T.I la diyaariyay in ka badan 7.5 bilyan oo geedo ah si loo beero qaybta cusub ee hindisaha.
#WakaaladdaWararkaItoobiya
#DhaxalkaCagaaran
#Deegaanka
#IskaashiGoboleed