Itoobiya waxay la shaqeyn doontaa Braasiil si ay u dedejiso horumarka tignoolajiyadda iyo kobcinta xirfadlayaasha – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya, Tamasgen Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay la shaqeyn doontaa Braasiil si ay u dedejiso horumarka tignoolajiyadda iyo kobcinta xirfadlayaasha – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya, Tamasgen Tiruneh

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 16/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Itoobiya, Tamasgen Tiruneh, ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaarinayso istiraatiijiyad ay kula shaqeyneyso Braasiil si kor loogu qaado tignoolajiyadda casriga ah iyo tababarka xirfadlayaasha.
Wuxuu sidoo kale bartiisa baraha bulshada ku sheegay in ay booqdeen shirkado kala duwan oo ku yaalla gobolka São Bawlo ee Braasiil, isla markaana ay yeesheen wadahadallo miro-dhal ah.
Waxa uu xusay in ay booqdeen shirkadda Embraer oo soo saarta diyaaradaha ganacsiga, kuwa militari, iyo kuwa beeraha loo adeegsado, isla markaana shirkaddu xiiseyneyso inay la shaqeyso hay’adaha Itoobiya ee ka shaqeeya warshadaha diyaaradaha.
Sidoo kale, waxay booqdeen Xarunta Hal-abuurka Tignoolajiyadda ee São José dos Cambos, halkaas oo ay booqdeen shaqooyinka sida cilmi-baarista iyo fikradaha cusub ay ugu beddelayaan xalal wax ku ool ah oo caalami ah, iyadoo la adeegsanayo shirkado yaryar oo bilow ah, kuwa dhexdhexaadka ah iyo kuwa waaweyn ee tignoolajiyadda ku shaqeeya.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa sheegay in Itoobiya, si ay u hirgeliso aragtideeda Dhijitaal Itoobiya, ay la shaqeyn doonto xarumo hal-abuurnimo oo la mid ah kuwa Braasiil, si ay u dardargeliso hal-abuurka iyo horumarka tignoolajiyadda dalka.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dawladda Braasiil ay si weyn u garawsatay dadaalka iyo mudnaanta ay Itoobiya siineyso tignoolajiyadda iyo hal-abuurka, isla markaana ay sii wadi doonaan wadashaqeynta mustaqbalka dhow.