Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa booqday hawlaha teknoolojiyadda ee dalka Faransiiska

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 16/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa si gaar ah u booqday hawlaha teknoolojiyadda iyo garaadka Macmalka ah iyo warshadaha intii uu ku guda jiray socdaalkiisa . Isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan wafdigiisa, wuxuu booqday Station F—oo ah xarun ganacsiyeed gaar loo leeyahay oo lagu kobciyo shirkadaha tiknoolajiyadda cusub isla markaana ah goobta ugu weyn adduunka ee shirkadaha bilowga ah lagu taageero.



 

Inkasta oo horumarka deegaanka ganacsiga ee shirkadaha bilowga ah ee Itoobiya uu weli yahay mid dhanka hore maraya, haddana waxaa jirta rajo weyn oo laga qabo koboca, taas oo ay horseed u yihiin dhalinyaro aqoon u leh teknoolajiyadda iyo kororka isku xirka dijitaalka ah ee dalka. Dowladda ayaa qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo hal-abuurka, sida istiraatijiyadda “Dhijitaal Itoobiya 2025” taasoo lagu doonayo in la abuuro deegaan ku habboon shirkadaha bilowga ah, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya fintech, agritech, iyo e-commerce. Sidoo kale, waxaa la diyaariyay xeer dhammaystiran oo loo yaqaan ‘Xeerka ganacsiga Bilowga ah ee dhigitaalka —Startup Proclamation’ kaasoo lagu dhisayo hannaan sharci iyo hay’adeed oo taageera shirkadaha bilowga ah, iyadoo wax laga qabanayo caqabadaha jira sida helitaanka maalgelinta iyo xayiraadaha sharci.


 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale booqday xarunta dhexe ee Nokia ee Faransiiska oo ku taalla Paris, taasoo ah xarun muhiim ah oo lagu sameeyo cilmi-baaris iyo horumarinta teknoolojiyadda 5G iyo 6G, ammaanka internet-ka, garaadka macmalka ah iyo isku xirka indhaha. Socdaalkaasi waxa uu ku jiray daahfurka qalabka fiber lasocodka, tamar-badbaadin, iyo booqashada shaybaarrada 5G, taasoo u iftiimisay Itoobiya fursado cusub oo la xiriira hal-abuurka, horumarinta kaabeyaasha, iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.


 

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu booqday "Xarunta Cilmi-baarista iyo Teknoolojiyadda Thales —Thales Research & Technology (TRT) ee Faransiiska, oo ah xarun cilmi-baaris oo isugu jirta qaybo kala duwan oo hoos timaadda kooxda Thales Group, xaruntanna waxay door weyn ku leedahay dadaallada cilmiyeed ee shirkadda, iyada oo diiradda saarta meelaha horumarsan sida hawada sare, difaaca, iyo garaadka macmalka ah.


 

Ugu dambeyntii, Booqashooyinkani waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo isdhaafsiga aqoonta si loo dedejiyo isbeddelka casriga ah ee dhijitaalka ee Itoobiya loogana dhigo dalka xarunta mustaqbalka ee hal-abuurka iyo teknoolajiyadda ee qaaradda Afrika.

#Xafiiska_Ra'iisul_Wasaaraha_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015