Roobab caadi ah iyo kuwo ka sarreeya kuwa caadiga ah ayaa la filayaa inay ka da'an inta badan gobollada dalka xilliga Karanta soo socota - ENA Af-Soomaali
Roobab caadi ah iyo kuwo ka sarreeya kuwa caadiga ah ayaa la filayaa inay ka da'an inta badan gobollada dalka xilliga Karanta soo socota

Adama, Miicaad/Ginbood 15, 2017 (ENA) – Hay’adda saadaasha hawada ee Itoobiya ayaa sheegtay in xilliga Karanta ee soo socda laga filayo dalka in uu helo roobashii caadiga ah iyo mid ka badan inuu ka da’o inta badan gobollada dalka.
Hay’addu waxay qabatay kulan ka socda magaalada Adhaama oo ay la yeelatay daneeyayaasha iyo la-hawlgalayaasha, si ay u qiimeeyaan saadaasha xilliga roobka gu’ga iyo xaaladda la socodka, isla markaana ay si rasmi ah ugu soo bandhigto saadaasha cimillada ee xilliga karanta soo socota.
Agaasimaha guud ee hay’adda, Mudane Fetene Teshome, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee kulankani yahay in dib loo qiimeeyo jawaab-celintii hore ee saadaasha gu’ga iyo in la bixiyo saadaasha cusub.
Wuxuu sheegay in marka la barbardhigo saadaasha roobka gu’ga iyo xaaladdii dhabta ahayd ay is waafaqeen.
Sidoo kale, mudane. Fetene wuxuu xusay in meelo badan oo dalka ah laga filayo roob caadi ah iyo mid ka badan kii caadiga ahaa xilliga gu’ga.
Wuxuu intaa ku daray in arrintani faa’iido weyn u yeelan doonto howlaha beeraha ee xilliga jiilaalka, islamarkaana ay suurto gelin doonto helitaanka biyo ku filan hawlaha nolosha iyo wax-soo-saarka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in tani ay caawin doonto dadka barakacayaasha ah, xeryaha qaxootiga, iyo baahiyaha tamarta ee u baahan biyo ku filan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in roobka xad-dhaafka ah ee la heli karo ay sababi karaan daadad, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in feejignaan la muujiyo.
Mudane. Fetene wuxuu carabka ku adkeeyay in maamulka biyaha iyo dadka ku nool meelaha halista u ah daadadku ay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan una xoojiyaan kaabayaasha biyaha si looga hortago musiibooyinka suuragalka ah.
Mudane Motuma Mekassa, oo ah wakiilka gaarka ah ee Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta, ayaa dhankiisa sheegay in hay’addu ay si hufan u gudanayso waajibaadkeeda iyo hawlaheeda.
Wuxuu intaa ku daray in iskaashiga dhow ee lala yeesho la-hawlgalayaasha iyo daneeyayaasha horumarka uu sare u qaaday awoodda fulinta ee hay’adda.
Ugu dambeyntii, hay’addu waxay fariin ku sheegay in si wax ku ool ah loo isticmaalo saadaasha cimillada ee maanta la shaaciyay, taas oo ka tarjumaysa saadaasha muddada dhow iyo mida fog ee bilaha karanta soo socda.
#Ethiopian_News_Agency#ENA
#Saadaasha_Cimillada_Ethiopia