In ka badan 33 bilyan oo bir ah oo lagu dhisay mashaariic horumarineed oo ka socda magaalada Shaggar - ENA Af-Soomaali
In ka badan 33 bilyan oo bir ah oo lagu dhisay mashaariic horumarineed oo ka socda magaalada Shaggar
Miicaad/Ginboof 13/2017 (ENA): Maamulka magaalada Shaggar ayaa sheegay in mashruucyo horumarineed oo lagu qiimeeyay in ka badan 33 bilyan oo bir ah ay si xawli ah uga soconayaan magaalada, kuwaas oo lagu doonayo in lagu horumariyo nolosha bulshada deegaanka.
Waxaa la tilmaamay in sanadkan miisaaniyadda gudihiisa ay socdaan 347 mashruuc, kuwaas oo ilaa hadda 255 ka mid ah mashaariicda la dhammeystiray.
Madaxa xafiiska dawlada hoose ee magaalada Shaggar, Marwo Rooda Maxamed, oo waraysi siisay wakaaladda wararka Itoobiya We (ENA)sheegtah in mashaariicda socota ay isugu jiraan kuwa cusub, kuwa horey loo bilaabay balse aan la dhammeystirin, iyo kuwa dib-u-dayactir lagu sameynayo.
Mashruucyadan waxaa ka mid ah wadooyin, xarumo caafimaad iyo isbitaallo, dugsiyo, xarumo biyaha nadiifta ah, guryo loogu talagalay dadka danyarta ah, warshado yaryar mashaariic la xiriira hoyga, suuqyada beeraleyda iyo kuwa kale.
Waxaa sidoo kale ay sheegtay in 43 ka mid ah 70 mashruuc oo hore loo bilaabay sanadkan la dhameystiray, halka 184 mashruuc oo cusub oo ka mid ah 239 mashaariic cusub la dhammeystiray loona furay si ay bulshada ugu adeegaan.
Mashaariicda harsan ayaa dib-u-habeyn lagu sameeyay, sida lagu xusay warbixinta.
Marwo Rooda waxay intaa ku dartay in dhammaan mashaariicdan horumarineed lagu fulinayo si tayo iyo dehdegsiimo leh, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabka magaalada.
Waxay sheegtay in mashruucyadan ay door muhiim ah ka ciyaarayaan qorshaha lagu casriyeynayo magaalada si ay u noqoto meel la jaanqaadaysa waqtiga, kuna habboon nolosha dadka deegaanka.
Sidoo kale, waxay tilmaantay in mashaariicdan cusub ay gacan ka geysanayaan xallinta dhibaatooyinkii hore ee ka jiray dhinaca horumarinta kaabayaasha magaalada, isla markaana ay sare u qaadi doonaan faa’iidada ay bulshadu ka helayso.
Waxaa sidoo kale ay xustay in horay ay mashaariic horumarineed u jireen balse aysan si habaysan u socon, taasoo keentay khasaare xagga hantida iyo lacagta ah. Haatanna, mashaariicda cusub waxaa lagu fulinayaa hab qorsheysan si arrintaas looga fogaado.
Sida ay sheegtay mas’uulku, magaalada Shaggar waxaa ku badan beeraleyda, sidaas darteed mashaariic badan oo la dhisayo waxay si gaar ah diiradda u saaraan horumarinta nolosha beeraleyda.
Waxay sheegtay in mashaariicdan horumarineed fursado shaqo u abuurayaan in ka badan 30,000 oo qof.
Ugu dambayntii, Marwo Rooda waxay xustay in dadaal xooggan la gelinayo sidii mashaariicdan loogu dhammeystiri lahaa waqtiga loogu talagalay si loo xaqiijiyo yoolka lagu horumarinayo magaalada Shaggar loona hagaajiyo nolosha dadka deggan.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya