Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamuud Cumar ayaa Magaalada Nayroobi kulan kula yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada ee kasoo Jeeda Gobollada kala duwan ee Deegaanka Soomaalida - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamuud Cumar ayaa Magaalada Nayroobi kulan kula yeeshay qaybaha kala duwan ee Bulshada ee kasoo Jeeda Gobollada kala duwan ee Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa; Miicaad/Ginboot 13/2017 (ENA): Madaxweyne, Mustafe Muxummed Cumar ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay, ganacsatada, waxgaradka iyo dhallinyarada magaalada Nairobi ee kasoo kala jeeda gobollada: Faafan, Doollo, Shabeelle, Liibaan iyo Daawa.
Xogta kasoo baxaysa SRTV ayaa tilmaamaysa in, kulamadan la isku xog dhaafsaday xaaladda guud ee deegaanka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka, nabadgelyada iyo maalgashiga deegaanka. Odayaasha iyo ganacsatada ayaana qiray in isbaddalkii kaddib xukuumaddu samaysay, horumar dhankastaba leh, ayna tahay in lagu garab istaago daddaalkaasi, dhankoodana ay diyaar u yihiin.