Waddamada IGAD Waa In Ay Dhisaan Nidaam Xooggan oo Lagu Wadaago Xogta Saadaasha Cimilada - ENA Af-Soomaali
Waddamada IGAD Waa In Ay Dhisaan Nidaam Xooggan oo Lagu Wadaago Xogta Saadaasha Cimilada

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 11, 2017 (ENA): Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Dr. Habtamu Itefa ayaa sheegay in looga baahanyahay Wadamada xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD inay xoojiyaan dadaallada lagu dhisayo nidaam adag oo suurtagelinaya soo saarista iyo wadaagista xog sugan oo ku saabsan saadaasha cimilada.
Xarunta Saadaasha Cimilada iyo Adeegsigeeda ee IGAD (ICPAC), oo kaashanaysa bah-wadaaggeeda, ayaa qabanaysa Shirweynihii 70-aad ee Saadaasha Cimilada ee Geeska Afrika (GHACOF).
Dr. Habtamu Itefa oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca Geeska Afrika ay si xooggan u saameeyeen bulshooyin badan.
Wuxuu xusay in qaybaha sida weyn uga sii dhex muuqda saameynta isbeddelka cimilada ay ka mid yihiin: beeraha, sugnaanta cuntada, ilaha biyaha, dalxiiska iyo caafimaadka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku hawlan tahay horumarinta hay’adaha u qaabilsb arrintan, si loo helo nidaam awood leh soo saarida saadaasha cimilada oo sax ah oo lagu kalsoonaan karo.
Wuxuu sidoo kale ammaanay shaqada wanaagsan ee ay hayso Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD, gaar ahaan bixinta xogta saadaasha xilligeeda ah iyo tababarka khubarada waddamada xubnaha ka ah IGAD.
Wasiirku wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la maalgeliyo nidaamyo suurtagelinaya helidda xogt saadaasha hawada oo sax ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo ku dhisan cilmi iyo xaqiiqo, heer qaran iyo heer gobolba ah.
Maxamed Cabdi Ware, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD, ayaa sheegay in isbeddelka cimiladu ay si isa soo taraysa u keenayo khataro kala duwan oo saameyn ku leh horumarka dhaqaale iyo bulshada ee Geeska Afrika.
Wuxuu xusay in IGAD, iyada oo , kor u qaadayso helidda xogta saadaasha cimilada, isla markaana ay siiso taageero dalalka xubnaha ka ah.
Fetene Teshome, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Saadaasha Hawada ee Itoobiya, ayaa tilmaamay in dowladda ay xoojineyso wakaaladda saadaasha cimilada ee qaranka iyo xarumaha adeegyada gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in la wado dadaallo lagu dhisayo awoodda xirfadeed ee shaqaalaha iyo ballaarinta nidaamyada casriga ah ee saadaasha cimilada.
Dr. Kasar, oo ah khabiir sare oo ka tirsan ICPAC, ayaa sheegay in saadaasha xogtu muujinayso in roobab ka sarreeya celceliska caadiga ah la filayo inta u dhaxaysa Sane ilaa Maskaram.
Wuxuu xusay in roobabkani ay ka aareeyaan heerka caadiga ah oo muhiim u ah howlaha beeralayda, isla markaana ay tahay in dowladuhu si dhow ula shaqeeyaan khubarada si loo helo diyaar garow ku filan.
Sidoo kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadaagista xogta si loo gaaro digniin hore iyo diyaar garow degdeg ah, si looga hortago musiibooyin fatahaado ah oo ka dhalan kara roobabka culus.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya