Waxaa laga shaqaynayaa sidii loo horumarin lahaa kartida qofka iyo wax-soo-saarka si loo xaqiijiyo isku-filnaanta cuntada – Mudane Aadan Faarax

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 11/2017 (ENA): Mudane Aadan Faarax, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Madaxa Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda iyo Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo, ayaa sheegay in dadaallo xooggan ay socdaan si loo horumariyo kartida shaqsiyaadka iyo wax-soo-saarkooda si loo xaqiijiyo isku-filnaanta cuntada.

Madal hadda ka socota magaalada Jimma, oo ay ka soo qayb galeen hoggaamiyeyaasha sare ee dowlada ee federaalka, degaannada iyo maamulka magaalooyinka, ayaa diiradda saareysa qiimeynta hawlaha ay kamid yihiin qorshaha sanadlaha ah ee horumarinta wax soo saarka, nidaamka maaraynta cuntada iyo heshiisyada wax ka qabashada abaarta.

Mudane Aadan Faarax, oo khudbad ka jeediyay madasha, ayaa xusay in dalka Itoobiya leeyahay dhul baaxad leh, kheyraadka dadweynaha iyo biyo badan, taasoo haddii si hufan loo adeegsado lagu horumarin karo wax-soo-saarka dhinaca beeraha.


 

Wuxuu hoosta ka xarriiqay in la bilaabay qorshe lagu horumarinayo wax-soo-saarka si loo gaaro isku-filnaanta cunto iyadoo la kobcinayo kartida dadka iyo tayadooda.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in mashaariic kala duwan oo dhinaca beeraha ah la hirgeliyay, gaar ahaan kuwa la xiriira qamadiga, bariiska, malabka, iyo noocyo kale oo badan oo la beero.

Madasha waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday dowladda federaalka, dowlad-deegaanka iyo maamulada magaalooyinka.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya #Horumarka_Wax-soo-saarka

Wakaalada Warka Itoobiya
2015