Orodiyahanka Solomon Barega Ayaa Ku Guuleystay Tartanka 10-KM ee Manjester - ENA Af-Soomaali
Orodiyahanka Solomon Barega Ayaa Ku Guuleystay Tartanka 10-KM ee Manjester

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 10, 2017 (ENA) – Orodiyahanka Itoobiyaanka ah ee Solomon Barega ayaa ku guuleystay tartanka ragga ee 10-kiloo mitir ee lagu qabtay magaalada Manchester.
Solomon Barega ayaa kaalinta koowaad galay isagoo tartanka ku dhammaystay waqti dhan 27 daqiiqo iyo 49 ilbiriqsi.
Orodiyahanka kale oo Itoobiyaanka ah, ee Mosinet Geremew, ayaa galay kaalinta afraad isagoo ku dhameeyay 28 daqiiqo iyo 21 ilbiriqsi, sida ay sheegtayso xogta laga helayo Xiriirka orodka Itoobiya.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya#ENA