Bandhiga Expo 2025 Ayaa Muujisay Guulaha Ay Itoobiya ka Gaartay Isbeddelka Dijitaalka ah - ENA Af-Soomaali
Bandhiga Expo 2025 Ayaa Muujisay Guulaha Ay Itoobiya ka Gaartay Isbeddelka Dijitaalka ah

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 11, 2017 (ENA) – Itoobiya ayaa soo bandhigtay guulo waaweyn oo ay ka gaartay isbeddelka dhanka dijitaalka ah intii uu socday bandhigga caalamiga ah ee teknoolojiyadda, ee Expo 2025, oo lagu qabtay Itoobiya.
Bandhigga ballaadhan ee teknoolojiyadda caalamiga ah, ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa ee abid ka dhaca Bariga Afrika,bandhigan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Hay’adda Maamulka Shabakada Amniga Macluumaadka iyo Machadka Garaadka Macmalka ee Itoobiya, ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay.
Shir jaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen Tigist Xaamid, Agaasimaha Guud ee Maamulka Shabakada Amniga Macluumaadka iyo, Agaasimaha Guud ee Machadka Garaadka Macmalka ee Itoobiya,, iyo Injineer Dr. Worku Gachena, ayaa sheegay in bandhigu uu ahaa madal muhiim ah oo lagu soo bandhigay horumarka dijitaalka iyo teknoolojiyadda ee Itoobiya, sidoo kalena uu fududeeyay iskaashi badan.
Tigist Xaamid ayaa sheegtay in in ka badan 15,000 oo booqde ay ka qayb galeen bandhigga, kaas oo diiradda lagu saaray qeybaha muhiimka ah sida amniga internetka, garaadka macmalka ah, amniga maaliyadeed, magaalooyinka casriga ah, iyo waxbarashada teknoolojiyadda. Waxay carabka ku adkaysay in qodobadan laga gaaray natiijooyin muuqda oo la taaban karo.
Waxay sidoo kale sheegtay in bandhigani-uu soo jiitay ka qaybgal badan oo ka yimid dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo shirkado teknoolojiyadeed oo caalami ah.
Injineer Dr. Worku Gachena ayaa dhankiisa xusay in Expo 2025 uu dhiirrigeliyay una suurtageliyay dhalinyaro badan inay ka qayb qaataan horumarka dhanka dijitaalka iyo teknoolojiyadda.
Waxa uu intaa ku daray in in ka badan 100 shirkadood oo teknoolojiyadeed ay ka qayb galeen bandhiga, iyada oo lagu qabtay tartamo kala duwan, oo ay ka qaybgalayaal Itoobiyaan ah ay ku guuleysteen qeybo badan oo tartamadaas ka mid ah.
Qabanqaabiyeyaasha, ayaa sheegay in Expo 2025 uu si cad u muujiyay horumarka Itoobiya ay ka gaartay dhinaca teknoolojiyadda iyo kaalinta sii kordheysa ee ay kaga jirto isbeddelka dhanka dijitaalka ah.
Bandhiggu waxa kale oo uu xambaarsanaa soo bandhigid daraasaadyo, dood cilmiyeedyo, iyo tartamo robotyo ah, taasoo ka dhigtay mid gaar ah oo dhameystiran.
Bandhiga 2025 ayaa hadda loo aqoonsaday inuu yahay bandhiga teknoolojiyadda ugu weyn Bariga Afrika, iyadoo Itoobiya ay fursaddan u adeegsatay inay dunida u soo bandhigtp guulaha iyo heerarka horumareed ee ay ka gaartay isbeddelka dhanka dijitaalka.Bandhiga Expo 2025 Ayaa Muujisay Guulaha Ay Itoobiya ka Gaartay Isbeddelka Dijitaalka ah