Itoobiya Ayaa Gaaraysa Guulo La Taaban Karo oo Ku Saabsan Horumarinta Garaadka Macmalka Ah Iyadoo La Waafajinayo Yoolasha Qaaradda – Komishinka Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Itoobiya Ayaa Gaaraysa Guulo La Taaban Karo oo Ku Saabsan Horumarinta Garaadka Macmalka Ah Iyadoo La Waafajinayo Yoolasha Qaaradda – Komishinka Midowga Afrika

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 9, 2017 (ENA): Itoobiya waxay gaartay natiijooyin muuqda oo la taaban karo oo ku saabsan horumarinta garaadka macmalka ah, kuwaas oo waafaqsan himilooyinka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, sida ay sheegtay ku-xigeenka komishineerka Midowga Afrika, Salma Maalika.
Bandhigga Teknoolojiyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika ee 2025, oo ah mid ka mid ah bandhigyada tiknoolajiyadda ugu weyn gobolka, ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa. Waxa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda Amniga Shabakada macluumaadka iyo Machadka Garaadka Macmalka ee Itoobiya.
Maalintii labaad ee bandhigga, ayaa la qabtay doodo cilmiyeedyo halkudhig looga dhigay "Garaadka macmal-ka ee iyo Iskaashi Barwaaqada Afrika," waxaana ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Abiy Ahmed, iyadoo diiradda la saarayay horumarinta garaadka macmalka ee Afrika.
Farriin ay ka jeedisay munaasabaddaas, Ku-xigeenka Komishineerka Midowga Afrika, marwo. Salma Malika, ayaa sheegtay in bandhigga tiknoolajiyadda caalamiga ah ee Itoobiya martigelisay uu yahay mid ku kusoo beegmay waqtigii loo baahnaa isla markaana ahmiyad gaar ah leh. Waxay xustay doorka hogaamineed ee sii kordhaya ee Itoobiya ay ka kaalin muhiim ah ka ciyaarayso dhisidda garaadka macmalka ee loo dhan yahay ee Afrika.
Waxay tilmaantay in garaadka macmalka uu noqday awood isbeddel horseed u ah arrimaha juqraafiyeed iyo dhaqaale, iyada oo hadda loo arko inuu yahay tiir ka mid ah danaha qaran, madaxbannaanida dhaqaale, iyo amniga.
Waxay carrabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo dhiso siyaasado iyo istiraatiijiyado horumarineed ee la xidhiidha garaadka macmalka si loo gaaro natiijooyin la taaban karo, loo dhan yahay, kuna wajahan xal u helidda caqabadaha dhaqaale ee Afrika.
Intaa waxaa dheer, waxay sheegtay in abuurista jawi ku habboon horumarinta garaadka macmalka ay tahay arrin muhiim ah oo fure u ah hirgelinta Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika iyada oo loo marayo abuurista fursado shaqo.
Ku-xigeenka komishinka ayaa sidoo kale xustay in Midowga Afrika uu ansixiyay Istiraatiijiyadda Qaaradda ee garaadka macmal-ka ah ee sanadkii 2024.
Waxay adkaysay baahida loo qabo in la kobciyo dhaqanka horumarinta garaadka macmalka ah si loo gaaro koboc waara, waxayna sheegtay in Afrika ay leedahay awoodo dabiici ah sida dhalinyaro badan iyo khayraad dabiici ah.
Iyada oo laga duulayo arrintan, Itoobiya waxay horumarinaysaa garaadka macmalka ah si waafaqsan Istiraatiijiyadda garaadka macmal-ka ee Midowga Afrika iyo Ajandaha 2063.
Habka Itoobiya ee loo dhan yahay ee ku wajahan horumarinta garaadka macmalka, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo dhaqamada kala duwan, afafka, iyo waaxyaha kala duwan, ayay sheegtay inuu yahay mid mudan in lagu ammaano, waxayna tilmaantay sida ay Itoobiya uga go’an tahay in natiijooyinkeeda ay la jaanqaadaan aragtida guud ee qaaradda.
Injineer Dr. Worku Gachena, Agaasimaha Guud ee Machadka Garaadka Macmal-ka ee Itoobiya, ayaa sheegay in garaadka macmalka uusan ahayn fikrad keliya balse uu yahay awoodda ugu weyn ee tartanka mustaqbalka.
Wuxuu carabka ku adkeeyay in tiknoolojiyadda AI ay door muhiim ah ka ciyaarto dhinacyada hal-abuurka, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maaliyadda, iyo danaha iyo amniga qaranka.
Waxa uu sheegay in aragtida uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r) lagu aas aassay Machadka Garaadka Macmalka ee itoobiya, taasoo sahlaysa in Garaadka Macmalka ah uu kaalin mug leh ka qaato horumarka.
Waxa uu sheegay in graadka macmal uu muhiim u yahay xaqiijinta horumar loo dhan yahay oo waara ee qaaradda; Waxa uu sheegay in Itoobiya ay leedahay hiigsi ay ku doonayso in ku noqoto xarunta ugu wanaagsan Afrika marka la gaaro 2030ka dhanka garaadka macmalka ah.
Ugu dambayn , wuxuu sheegay in Itoobiya ay gaartay isbeddel dhaba ah iyadoo samaysay siyaasado iyo istiraatiijiyado mustaqbalka ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay khibraddeeda la wadaagto dalalka kale.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya