Itoobiya ayaa hormuud ka ah Garaadka Macmal-ka ah, Horumarinta Kaabayaasha Dijitaalka ah, iyo Barnaamijyada Kobcinta Xirfadaha – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r) - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa hormuud ka ah Garaadka Macmal-ka ah, Horumarinta Kaabayaasha Dijitaalka ah, iyo Barnaamijyada Kobcinta Xirfadaha – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (D.r)

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 9, 2017 (ENA) – Ra’iisul Wasaaraha JDFI Abiy Ahmed (D.r) sheegay in Itoobiya ay qaadanayso doorkeeda hormuudnimo ee dhanka garaadka macmalka ah, horumarinta kaabayaasha dijitaalka ah, iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo xirfadaha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu hadalkan ka jeediyay maanta munaasabadda “ horrumarinta garaadkka macmalka ee Afrika” oo qayb ka ah barnaamijka “Garaadka macmalka ah ee Afrika”. Wuxuu carabka ku adkeeyay in horumarka wadajirka ah ee ay graadka macmalka ah We wado qaaradda Afrika uu gacan ka geysanayo hirgelinta yoolalka Ajendaha 2063 iyo in Afrika loo horseedo waayaha cusub, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in Itoobiya ay dhab ahaan hoggaan ka tahay dhinacyada garaadka macmalka ah, kaabayaasha dijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda aadanaha.
Sida uu sheegay Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya, barnaamijyada ay ka mid yihiin aqoonsiga dijitaalka ah iyo “5 Milyan ee Ethio-Coderska” waxay awood u leeyihiin in ay riyooyinka Itoobiya u beddelaan ficillo muuqda oo saameyn leh.
Ra’iisul Wasaare Abiy wuxuu sidoo kale muujiyay rajo ah in marka la gaaro 2030, Afrika ay gaari doonto heer ay iyada dejisato, isla markaana ay Afrika iyadu qaabayn doonto mustaqbalkeeda dhanka Garaadka Macmalka iyadoo lagu salaynayo anshax, ka-qaybgal bulsho iyo jiritaanka.
#PMOEthiopia