Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay waxaa ka go'an inay xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed

Addis Ababa ; Miicaad/Ginboot 09 2017 (ENA): Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay ka go'an tahay inay sii xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed.
Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq waxaa ka furmaya kalfadhigii 34-aad ee caadiga ahaa ee Ururka Carabta.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cai Yuusuf, ayaa wada-hadal la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antoniyo Guterres.
Intii ay dooda socotay, labada hay’adood waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay inay xoojiyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed.
Xog ay ENA ka heshay Midowga Afrika ayaa tilmaamaysa inay labada dhinac ka shaqayn doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen iskaashigooda ku aaddan hawlgallada nabad ilaalinta, arrimaha siyaasadda, iyo diblomaasiyadda ka hortagga colaadaha.
Shir madaxeedka 34-aad ee caadiga ah ee Ururka Carabta oo si heer sare ah u bilowday ayaa maalinta berri ah ka furmaya heer hoggaamiyeyaasha.