Itoobiya ayaa qabatay Bandhiga Drones-ka

Addis Ababa; Miicaad/Ginbood 8/2017 (ENA): Itoobiya ayaa qabatay Bandhiga Drones-ka ee hawada ah iyada oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo drones ah.



 

Sidoo kale waxaa la sheegay in tirada diyaaradaha droneka ee ka qeyb qaadatay ay noqonayso tii ugu horeysay ee Afrika.


 

Bandhiga waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha JDFI Abiy Axmed (Dr.); Madax sare oo ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin, iyo marti sharaf badan oo ka soo qeyb galay. 


 

Bandhiga Drones-ka ayaa qayb ka ah Bandhiga Tiknoolajiyada Itoobiya ee 2025, waxaana si wada jir ah u soo qabanqaabiyay Machadka garaadka macmalka ah ee Itoobiya iyo Maamulka Amniga Shabakadda macluumaadka.


 

Diyaaradaha Drones-ka ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalo muujinaya Digital Itoobiya, Raadka Cagaaran, iyo hindiseyaal kala duwan.

#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015