Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed ayaa gaadhay Ismaamulma Gaarisa ee dalka Kenya. - ENA Af-Soomaali
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxummed ayaa gaadhay Ismaamulma Gaarisa ee dalka Kenya.

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 8/2017 (ENA): Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar oo socdaal rasmi ah ugu baxay qaybo kamid ah wadanka Kenya ayaa gaadhay magaalada Gaarisa ee Wadanka Kenya, waxaana si weyn usoo dhaweeyay, masuuliyiinta, odoyaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa, Mudane Nadiif Jaamac oo wafdiga qaabilay ayaa kulamo iyo wada xaajood ay yeesheen kaddib masuuliyiinta guddoonsiiyay shahaado sharafyo.