Waxaa lagu dadaalayaa sidii loo dardargelin lahaa socdaalka isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya – Madaxweyne Taye Asksilaase - ENA Af-Soomaali
Waxaa lagu dadaalayaa sidii loo dardargelin lahaa socdaalka isbeddelka dhijitaalka ah ee Itoobiya – Madaxweyne Taye Asksilaase

Addis Ababa; Miicaad/Ginbood 8/2017 (ENA): Madaxweynaha JDFI Taye Asksilaase ayaa sheegay in lagu dadaalayo sidii loo dardar gelin lahaa geedisocodka isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya iyo xaqiijinta barwaaqada caalamiga ah.
Madaxweyne Taye Asksilaase ayaa si rasmi ah u furay Bandhiga Tignoolajiyada Itoobiya ee ETEX 2025.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya ay si ka go'anaansho leh uga shaqaynaysa sidii ay ugu isticmaali lahayd tignoolajiyada horumarka waara, barwaaqo dhaqaale iyo bulsho.
Waxa kale oo uu xusay in Bandhiga aanu ahayn mid lagu soo bandhigayo horumarka dhinaca Tignoolajiyada, kaliya balse uu yahay mid la isku dhaafsanayo fikrado kala duwan, isla markaana la xoojinayo iskaashiyada.
Waxa kale oo uu tilmaamat in Itoobiya ay diyaarisay istiraatijiyad, isla markaana ay waddo hawlo kala duwan oo lagu xaqiijinayo koboc loo dhan yahay oo ku salaysan tignoolajiyada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in howlaha horumarinta tignoolajiyada ee la fuliyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay yihiin kuwo laga gaarayo natiijooyin la taaban karo.
Waxa kale ooo sheegay in Itoobiya ay ka shaqaynayso sidii loo xaqiijin lahaa horumar waara iyadoo adeegsanaysa garaadka macmalka ah ee qaybaha kala duwan.
Tusaale ahaan, waxa uu xusay adeegsiga garaadka macmalka ah ee beeraha iyo caafimaadka si loo kordhiyo wax soo saarka iyo casriyeynta adeegyada caafimaadka.
Waxa uu xusay in hal tusaale oo ah tilmaanta Digital Ethiopia ay tahay Smart City; isaga oo sheegay in tani ay fududeynayso nolosha muwaadiniinta.
Waxa uu sheegay in lagu dadaalayo sidii loo bixin lahaa tababaro kala duwan oo ay ku jiraan 5 milyan ee Ethio coderska, si dhalinyarada loogu suurtageliyo in ay si balaadhan uga qeyb qaataan farsamada tiknolojiyada casriga ah.
Wuxuu sheegay in lagu dadaalayo sidii loo xaqiijin lahaa geedisocodka isbadalka dhijitaalka ah ee Itoobiya.
Mmadaxweynaha ayaa tilmaamay in laga shaqaynayo sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka dhalinyarada ee waxbarashada iyo tababarada si loo xaqiijiyo Digital Ethiopia ee 2025.
Bandhiga teknolojiyadda ayaa socon doona ilaa Ginbood 10, 2017, waxaana ka qeyb galaya shirkado waaweyn oo dhanka teknoolojiyadda ah oo ka kala socda dalal badan iyo in ka badan toban kun oo kaqeybgalayaal ah.
#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya