Itoobiya waxay sanad miisaaniyadeedkan guulo badan ka gaartay qaybaha kala duwan - Adeegga Xidhiidhka Dawladda

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 7/2017 (ENA): Adeegga Xidhiidhka Dawladda Itoobiya ayaa sheegay in dalka uu sanad miisaaniyadeedkan waxqabad muuqda ka sameeyay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin beeraha, warshadaha, dalxiiska shirarka iyo kuwo kale, isla markaana uu guulo la taaban karo diiwaangeliyay.

Wasiiru Dowlaha Adeegga Xidhiidhka Dawladda Tasfaahuun Gobesay, ayaa sheegay in Itoobiya ay si qoto dheer uga shaqaynayso horumarinta dhammaan waaxyaha si dalka uga horumaro guud ahaan.

Wuxuu intaas ku daray in dadaal xooggan lagu bixinayo xasillinta nabadda, isla markaana dowladda ay baaq nabadeed u dirtay kooxaha hubeysan, ayna hore u qaadeen wadahadallo ay ku doonayaan inay kusoo celiyaan kooxahaas nolol bulsho oo nabdoon, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay horeyba u aqbaleen oo bulshadooda dib ugu laabteen.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in kooxaha aan weli ka jawaabin baaqa nabadda lagu wajahay hab sharci ah oo wax ku ool ah si loo sugo amniga iyo xasiloonida dalka.

Wuxuu sidoo kale xusay in waddada ugu habboon ee lagu xaqiijin karo nabad waarta ay tahay horumar waara, wax-soosaar iyo abuurista shaqo. Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay xoogga saarayso dhammaan qaybaha dhaqaalaha si loo gaaro natiijooyin muuqda.

Ugu dambayntii, Wasiiru Dowluhu wuxuu si gaar ah u xusay in guulo la taaban karo laga gaaray qeybaha mudnaanta la siiyay oo ay ka mid yihiin: beeraha, warshadaha, macdanta, dalxiiska iyo dhaqaalaha casri ah.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015