Itoobiya waxay ballan qaaday inay taageero dheeraad ah ka geysan doonto ilaalinta nabadda ee Qaramada Midoobay

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 1/2017 (ENA): Wasiirka Gaashaandhigga ee Itoobiya Inj. Caasha Maxamed ayaa sheegtay in Itoobiya ay ballan qaaday inay kordhiso kaalinteeda ku aaddan ilaalinta nabadda ee Qaramada Midoobay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay wasaaradda gaashaandhigga ee usoo dirtay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), wafdi ay hoggaaminayso wasiirka gaashaandhiga ayaa ka qeybgalaya shir heer wasiir ah oo ka socda magaalada Berlin ee dalka Jarmalka, kaas oo looga hadlayo ilaalinta nabadda caalamka ee Qaramada Midoobay.

Inj. Caasha oo khudbad ka jeedisay madashaasi, waxay sheegtay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay taageero dheeraad ah siiso howlaha nabad ilaalinta caalamiga ah.

Waxay intaas ku dartay in Itoobiya ay ka jawaabi doonto codsiga ku saabsan dirista ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaaliyaal ah, oo ay ka mid yihiin ciidamo militari iyo booliis isugu jura.

Sidoo kale, wasiirku waxay xaqiijisay in Itoobiya ay sii xoojin doonto kaalmada ay ku bixinayso tababarrada ay siiso nabad ilaaliyaasha, iyada oo loo marayo Machadka Tababarka ee Ilaalinta Nabadda ee ay dalka ku leedahay.

Gaar ahaan, waxay xustay in machadkan uu si joogto ah diiradda u saaro tababaridda haweenka nabad ilaaliyaasha ah.

Shirka ay wafdiga Itoobiya ka qaybgalayaan waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay wakiillo ka kala socday dalal kale oo xubno ka ah howlaha nabad ilaalinta Qaramada Midoobay. Dalalkaasi ayaa sidoo kale muujiyay ballanqaadkooda ku aaddan taageerada ay siinayaan ilaalinta nabadda.

Ugu dambayntii, Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa howlaha nabadd ilaalinta ee Qaramada Midoobay iyo qaababka ay u ekaan doonaan dedaallada mustaqbalka ee nabad ilaalinta caalamiga ah. Waxaana la filayaa in maanta uu si rasmi ah u soo xirmo shirku.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015