Garaadka Macmalka ah Wuxuu Kordhinayaa Wax-soosaarka – Dr. Warqu Gaajenaa - ENA Af-Soomaali
Garaadka Macmalka ah Wuxuu Kordhinayaa Wax-soosaarka – Dr. Warqu Gaajenaa

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 7/2017 (ENA): Machadka Garaadka Macmalka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in tiknoolajiyada garaadka macmalka ah (AI) ay si weyn u kordhineyso wax-soosaarka iyo hufnaanta shaqo, isla markaana ay gacan weyn ka geysaneyso horumarinta dhaqaalaha dalka.
Agaasimaha Guud ee Machadka, Dr. Warqu Gaajenaa, ayaa sheegay in garaadka macmalka ah uu si toos ah u saameyn karo kororka wax-soosaarka sannadlaha ah ee dalka.
Tusaale ahaan, ayuu yiri, qeybta warshadaha garaadka macmalka ah wuxuu gacan ka geysan karaa kordhinta tirada wax-soosaarka iyo tayadoodaba, taasoo ka dhigeysa shirkadaha inay noqdaan kuwo tartan leh.
Sidoo kale, wuxuu xusay in qeybta beeraha, garaadka macmalka ah uu ka caawinayo beeraleyda sidii ay u casriyeyn lahaayeen isticmaalka agabka wax-soosaarka, isla markaana ay saadaalin karaan cimilada, taasoo sare u qaadaysa wax-soosaarka.
Intaa waxaa dheer, wuxuu sheegay in garaadka macmalka ah uu fududeeyey adeegyadii la siiyo dadweynaha, taasoo sare u qaaday raalli-gelinta muwaadiniinta.
Itoobiya, ayuu yiri, iyadoo garatay faa’iidada tiknoolajigan, waxay diyaarisay siyaasado, waxayna dhistay hay’ado si ay u hirgeliso waxqabad muuqda oo dhaba.
Dhanka kale, wuxuu ka digay in garaadka macmalka ah mararka qaar loo adeegsado faafinta warar been abuur ah, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in la wacyigeliyo bulshada si loo yareeyo saameynta taban.
Dr. Warqu wuxuu xusay in si looga faa’iideysto garaadka macmalka ah iyo si kor loogu qaado ka qeybgalka dhalinyarada ee tiknoolajiyada, ay lagama maarmaan tahay iskaashi lala yeesho jaamacadaha iyo xarumaha waxbarashada, si looga faa’iideysto awoodda ay u leeyihiin horumarinta dalka.
Ugu dambeyntiina, wuxuu sheegay in Itoobiya ay si joogto ah uga qeybgaleyso madalaha caalamiga ah ee tiknoolajiyada, taasoo ka caawineysa in ay la socoto isbedelada dunida isla markaana ay horumariso awooddeeda dhinaca garaadka macmalka ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya