Waa in la xoojiyo iskaashiga warbaahinta si loo dhiso xiriir dhab ah oo ka dhexeeya Afrika iyo Aasiya – Dr. Lagasa Tulu

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 7/2017 (ENA): Wasiirka Adeega Xidhiidhka Dowladda Itoobiya, Dr. Lagasa Tulu, ayaa sheegay in la xoojiyo iskaashiga warbaahinta ay lagama maarmaan u tahay dhismaha xiriir dhab ah oo u dhexeeya dalalka Afrika iyo Aasiya.

Hadalkan wasiirku wuxuu ka sheegay intii lagu guda jiray madal lagu magacaabo "Aragtida Shiinaha ee Itoobiya" oo ka dhacday Jaamacadda Addis Ababa, taasoo lagu daahfuray barnaamijka warbaahinta Shiinaha ee “Saacada Shiinaha” oo laga baahin doono warbaahinta Itoobiya. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay mashruuca riwaayadaha gaagaaban ee dhalinyarada Itoobiya ee lagu magacaabo “Rajooyinka Dhalinyarada Itoobiya ee ku wajahan Shiinaha.”

Madashan waxaa ka qaybgalay Wasiirka Adeega Xidhiidhka Dowladda Itoobiya Dr. Lagasa Tulu, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Warbaahinta Itoobiya Dr. Samson Mekonnen, Wasiirka Maamulka Warbaahinta Raadiyaha iyo Telefishinka Shiinaha Jao Shumin, Safiirka Shiinaha ee Itoobiya Jen Hay, masuuliyiin ka tirsan warbaahinta iyo marti sharaf kale.

Dr. Lagasa Tulu ayaa sheegay in madashani ay gacan ka geysanayso xoojinta saaxiibtinimada labada dal, rabitaanka horumar wadajir ah, iyo iskaashiga warbaahineed ee labada dhinac.

Waxa uu sidoo kale xusay in madashu ay ahmiyad gaar ah u leedahay xuska 55-aad ee xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Shiinaha, islamarkaana ay xoojineyso wada shaqeynta labada dhinac.

Waxaa madashan si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Maamulka Warbaahinta Shiinaha, Adeega Xidhiidhka Dowladda Itoobiya, iyo Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya, iyada oo loogu talagalay in la xoojiyo iskaashiga warbaahineed ee labada waddan.

Barnaamijka “Saacada Shiinaha” ee laga baahin doono warbaahinta Itoobiya ayaa la sheegay inuu kor u qaadayo fahamka warbaahinta iyo bulshada labada dhinac.

Dr. Lagasa wuxuu sheegay inkastoo oo hadda la joogo xilli isdhexgal, ay hadana jiraan caqabado ay keeneen xogaha been abuurka ah, sidaas darteedna iskaashiga noocan oo kale ah uu muhiim u yahay dhisidda xiriir sugan iyo xoojinta isfahamka u dhexeeya Afrika iyo Aasiya.

Waxaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimada dhismaha wadooyinka iyo xarumaha tareenada ee labada dal ay ka wada shaqeeyaan, taasoo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dhinac.


 

Wasiirka Warbaahinta ee Shiinaha Jao Shumin, ayaa dhanleeda sheegtay in barnaamijka “Saacada Shiinah” uu yahay mid lagu xoojinayo isfahamka shacabka iyo isdhaafsiga dhaqanka. Waxa ay intaas ku dartay in barnaamijyo ay ka mid yihiin filimada, dukumeentiyada iyo kuwo kale laga daawan doono gudaha Itoobiya, isla markaana la sii wadi doono tababaro, dhisidda awoodda iyo iskaashi dheeraad ah.


 

Safiirka Shiinaha ee Itoobiya, Jen Hay, ayaa isna sheegay in madashani ay tahay mid lagu xusayo 55 sano guurada xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal, loona baahan yahay in iskaashiga warbaahineed laga dhigo mid qoto dheer.


 

Ugu dambayntii, Madaxweyne ku xigeenka Jaamacadda Addis Ababa, Dr. Jaylu Cumar, ayaa sheegay in jaamacaddooda ay si wadajir ah ula shaqeynayaan jaamacadaha iyo hay’adaha Shiinaha, isla markaana iskaashigooda uu si wanaagsan u socdo oo uu sii socon doono.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Shiinaha_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015