Booqashadani waa tallaabo wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo xogaha been abuurka ah ee ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Abaay

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 6/2017 (ENA): Ka-qaybgalayaasha shirweynaha hay’adaha sirdponka iyo ammaanka Bariga Afrika ayaa booqday biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee Abaay. Sida uu sheegay Janaraal Taasir Gebraigsaabher oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ee hay'adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, booqashadan waxay ahayd tallaabo wax ku ool ah oo lagula dagaallamayo xogaha been abuurka ah ee la xiriira biyo-xireenka.

Agaasime Kuxigeenku wuxuu sheegay in shirkan oo hal-ku-dhigg looga dhigay “Iskaashiga Xogta si loo xoojiyo Amniga Gobolka” uu si guul leh ku soo dhammaaday.


 

Kadib dhammaadka shirka, ka-qaybgalayaashu waxay booqdeen biyo-xireenka Abaay, iyagoo helay fursad ay ku arkaan heerka uu marayo dhismihiisa oo ku dhow gebogebo.

Wuxuu tilmaamay in booqashadu lahayd laba ujeeddo oo muhiim ah: in la tuso in Itoobiya oo keliya aysan awoodin hirgalinta mashaariicdan oo kale balse sidoo kale ay dalalka Afrika awoodaan inay hirgeliyaan mashaariic waaweyn oo mideysan.


 

Ka-qaybgalayaashu waxay sheegeen in booqashadoodu ay fursad u ahayd in la caddeeyo runta ku saabsan biyo-xireenka, laguna wacyigeliyo bulshada kale in ay fahmaan xaqiiqada dhabta ah.

Waxay sidoo kale booqdeen mashaariicda horumarineed ee laga hirgeliyey magaalada Addis Ababa, oo ay ku jirto biyo-xireenka weyn ee Abaay.


 

Kaaliye Brof. Ter Tongik Majok oo ka socda Jaamacadda Jubba ee Xarunta Daraasaadka Nabadda, Horumarka iyo Xasilloonida ayaa kamid ahaa dadka booqday biyo-xireenka. Wuxuu sheegay in biya-xireenku uu leeyahay faa’iido weyn oo dhinaca iskaashiga gobolka ah.

Ugu dambayntii, Brof-ku wuxuu sidoo kale u hambalyeeyey dowladda iyo shacabka Itoobiya dadaalka ay gelinayaan mashruucan weyn. Wuxuu intaas ku daray inuu markhaati ka noqday in dhismuhu si dhakhso leh u socdo si loo dhammeystiro mashruuca oo dhan.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015