Fayda waa arrin muhiim ah oo ay tahay qof walba inuu haysto" – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Fayda waa arrin muhiim ah oo ay tahay qof walba inuu haysto" – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)
Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 6/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in Fayida, aqoonsiga casriga ah, uu yahay arrin muhiim ah oo qof walba ay tahay in uu haysto.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Fayda uusan keliya u adeegayn aqoonsiga muwaadiniinta, balse uu sidoo kale fududeynayo helidda adeegyo kala duwan oo muhiim ah.
Wuxuu xusay in ay jiraan ajaanib badan oo haysta baasaboorka Itoobiya, isagoo yiri: "Si gaar ah deriskeenna dhaqanka, luqadda iyo hab-nololeedka nala wadaaga ayaa halkan nagula nool, si loo kala saaro arrintan, Fayda wuxuu u leeyahay muhiimad aad u weyn."
Sidoo kale, wuxuu sheegay in Fayda uu yahay caddayn buuxda oo muwaadin kastaa muujinayo muwaadinimadiisa Itoobiyaanimo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in si loo helo adeegyo badan oo kala duwan oo ay bixiyaan hay’adaha dowladda, ay lagama maarmaan noqotay in qofku yeesho Fayda, maadaama si sahlan loogu kala saari karo aqoonsiga qofka, taas oo waqtiga ilaalinaysa oo korna u qaadaysa tayada adeegyada.
Waxaa la sheegay in in ka badan 15 milyan oo muwaadiniin ah ay durba haystaan aqoonsiga casriga ah ee Fayda.
Ugu dambayntii, Dr. Abiy waxa uu xusay in la qorsheeyay in ilaa bisha koobaad ee sanadka xiga, tiradaasi ay gaarto 20 milyan, halka sannadka ku xiga la filayo in ay gaarto 67 milyan.