Ka dib qiimayn lagu sameeyay xaaladda Amniga ee Gobolka, tallaabooyin wax-ku-ool ah ayaa lagu heshiiyay in la qaado

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 6/2017 (ENA): Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee Itoobiya ayaa shaacisay in la gaaray is-afgarad ku saabsan qaadashada tallaabooyin wax-ku-ool ah kadib qiimayn lagu sameeyay xaaladda amniga ee gobolka.

Tasir Gebrigsi'aabher, ku-xigeenka agaasimaha guud ee hay’adda, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shir lagu qabtay Addis Ababa halkudhegna looga dhigay “Xoojinta Amniga Gobolka iyada oo la adeegsanayo Iskaashi Sirdoon,” uu si guul ah ku soo dhamaaday.

Wuxuu xusay in mid ka mid ah qodobbada shirka looga dooday ay ahayd in dhibaatooyinka amni ee ka dhaca hal dal aysan ahayn kuwo saameeya dalkaas oo keliya, balse ay yihiin kuwo guud ahaan gobolka saamayn ku yeesha.

Dowladaha iyo hay’adaha amniga ee gobolka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga shaqeeyo ka hortagga khataraha amni, taasoo lagu saleeyay wada shaqayn iyo isdhaafsi xog oo horay loo sii sameeyo.

Waxaa sidoo kale la shaaciyay in in ka badan 30 dal oo ka kala yimid Afrika, Aasiya iyo Yurub ay ka qeybgaleen shirkan.

Wakiillada ka qeybgalay shirka ayaa booqday Biyo-xireenka Abay (GERD), si ay ugu baraarugaan in Afrikaanku ay awoodeen inay hirgeliyaan mashruuc waaweyn iyagoo mideysan, isla markaana si toos ah uga warqabaan xogaha khaldan ee ku saabsan biyo-xireenka.

Intaa waxaa dheer, waxay booqdeen mashaariicda horumarineed ee ka socda magaalada Addis Ababa, taas oo ay ka dhaxleen waayo-aragnimo dheeri ah.

Guud ahaan, waxaa la sheegay in shirka uu door weyn ka qaatay in la muujiyo muuqaalka iyo muhiimadda ay Itoobiya iyo hay’adaheeda amnigu ku leeyihiin gobolka Bariga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015