Dhoofinta Bunka Itoobiya oo ay ka soo xarootay dhaqaale ka badan 1.8 Bilyan oo Doollar - ENA Af-Soomaali
Dhoofinta Bunka Itoobiya oo ay ka soo xarootay dhaqaale ka badan 1.8 Bilyan oo Doollar

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 6/2017 (ENA): Mas’uul sare oo ka tirsan Wakaaladda Bunka iyo Shaaha Itoobiya ayaa sheegay in 354,302 tan oo bun ah la dhoofiyay 10-kii bilood ee la soo dhaafay ee sannad-miisaaniyadeedkan 2017 T.I, taasoo dalka u soo xareysay dakhli gaaraya 1 bilyan iyo 868 milyan oo doollar.
Shaafi Cumar oo ah ku-xigeenka Agaasimaha guud ahna madaxa suuqgeynta, ayaa sheegay in tan ay u dhiganto 147% oo ka mid ah himiladii qorshuhu dejiyay.
Waxa uu xusay in tani ay tahay dakhliga ugu badan ee abid laga helo dhoofinta bunka muddo 10 bilood ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in marka loo eego isla muddan sannad-miisaaniyadeedkii hore, ay korodhay 87% la diiwaangeliyay.
Waddamada Jarmalka, Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay inay yihiin suuqyada ugu waaweyn ee bunka Itoobiya laga iibsado.
Mas’uulku waxa uu sheegay in wakaaladdu ay xooga saartay adkaynta tartanka suuqa, ballaarinta suuqyo cusub, iyo xallinta caqabadaha horumarineed, taasoo loo adeegsaday istaraatijiyad suuqeed casri ah.
Sidoo kale, waxa uu xusay in wax-ka-beddel sharciyeedyo iyo hagayaal la sameeyay si loo taageero dib-u-habaynta iyo in la helo natiijooyin muuqda.
Waxa uu sheegay in wakaaladdu hadda ay u shaqaynayso sidii dakhliga dhoofinta bunka looga dhigi lahaa 2.5 bilyan oo doollar marka la gaaro dhammaadka sannad-miisaaniyadeedkan.
Ugu dambayntii, Shaafi waxa uu u mahadceliyay hay’adaha sida firfircoon uga qeyb qaatay hawshan, isaga oo ugu baaqay inay dadaalka sii labanlaabaan labada bilood ee soo socota iyo sannadada soo socdaba.