Si looga hortago dambiyada xuduudaha iskaga gudba ee gobolka, waxaa lagama maarmaan ah in la adeegsado istaraatijiyad casri ah oo ku dhisan tignoolajiyada iyo hal-abuur - Danjire Ridwaan Xuseen

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 6/2017 (ENA): Danjire Ridwaan Xuseen oo ah Agaasimaha Hy'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hirgeliyo istaraatijiyad ku dhisan tignoolajiyada casriga ah iyo hal-abuurka si looga hortago dambiyada xuduudaha iskaga gudbo iyo in xal waara loo helo khilaafaadka Geeska Afrika.


 

Shirkan oo ku saabsan Sirdoonka iyo Amniga Afrika ayaa galay maalintiisii saddexaad, waxaana cinwaankiisu yahay “Xoojinta Amniga Gobolka iyada oo loo marayo Wadaagista Macluumaadka.”

Agaasimaha ayaa warbixin ka bixiyay doodaha la xiriira caqabadaha amniga gobolka iyo hababka is difaaca, isagoo muujiyay in macluumaad la is-weydaarsado si wadajir ah looga hortago dambiyada abaabulan, argagixisada iyo weerarrada internet-ka.

Waxa uu tilmaamay in isbeddelka degdegga ah ee caalamka uu Geeska Afrika u keeni karo khataro iyo fursado isku mar ah, sidaas darteedna ay tahay in dhibaatooyinka loo beddelo fursado, lana xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga xogta ee dalalka gobolka.

Danjire Ridwaan waxa uu carabka ku dhuftay in dal keliya aanu si gooni ah u xallin karin caqabadaha amniga iyo xasilloonida, taasina ay muujinayso muhiimadda shaqada wadajirka ah.

Wuxuu xusay in si loo gaaro xog is-weydaarsi tayo sare leh iyo la socod dhab ah ay lagama maarmaan tahay in la isticmaalo istaraatijiyad ku saleysan tignoolajiyada casriga ah iyo hal-abuurka, lana horumariyo awoodaha bini’aadamka iyo kuwa dhanka dijitaalka ah ee casriga ah.

Ugu dambeyntiina, waxa uu hoosta ka xariiqay in si loo gaaro nabad waarta ay muhiim tahay in si qorshaysan oo aragti fog leh looga shaqeeyo howlaha amniga iyo horumarka.

#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015