Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay masuuliyiin ka socday Wadanka Turkiga - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay masuuliyiin ka socday Wadanka Turkiga

Jigjiga; Miicaad/Ginboot 06/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa qaabilay masuuliyiin ka socday Wadanka Turkiga oo uu hoggaaminayo, Berk Baran oo ah Safiirka Turkiga u fadhiya Itoobiya.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha ka jira deegaanka gaar ahaan: Maalgashiga, waxsoosaarka, macdanta iyo sidii ay doorkooda ay uga qaadan lahaayeen horumarinta: Caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada horumarinta bulshada.