Waxaa Socda Shir Diiradda Lagu Saarayo “Hirgelinta Derbiga Weyn ee Cagaaran ee Afrika” - ENA Af-Soomaali
Waxaa Socda Shir Diiradda Lagu Saarayo “Hirgelinta Derbiga Weyn ee Cagaaran ee Afrika”
Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 5, 2017 (ENA) – Shir diiradda lagu saarayo “Hirgelinta Derbiga Weyn ee Cagaaran ee Afrika” oo ay ka qaybgalayaan khubaro iyo daneeyayaal ayaa maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika.
Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Horumarinta Joogtada ah, wakiilo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka, khubaro, hay’ado horumarineed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkan oo socon doona ilaa 7 Ginbood, 2017, ayaa lagaga wada xaajoon doonaa istaraatiijiyada iyo qaab dhismeedka fulinta hindisaha.
Waxa kale oo la filayaa in meelaha xiga ee diiradda lagu saari doono iyadoo dib u eegis lagu samayn doono waxqabadka hindisaha.
“Hirgelinta Hindisaha Derbiga Weyn ee Cagaaran ee Afrika” oo la bilaabay 2007-kii, ayaa ah mashruuc ballaaran oo loogu talagalay la-dagaalanka saxaraha iyadoo la beerayo dhul keymeed dhererkiisu yahay 8,000 oo kiiloomitir ee gobolka Saaxil ah
#Ethiopian_News_Agency #ENA #AU