Shirka 3aad ee Caalamiga ah ee Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka ayaa ka furmay Addis Ababa

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 5/2017 (ENA): Shirka 3aad ee caalamiga ah ee nabadda, wadajirka iyo horumarka ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Addis Ababa, waxaana la qorsheeyay in uu socdo maanta iyo berri.

Shirkan wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya, dardar-gelinta guulaha yoolalka horumarineed ee waara ee bulshada diinta ku saleysan ee Afrika, hirgelinta ajandaha Midowga Afrika ee 2063, iyo fulinta hindisaha kooxda G20 ee Afrika ee sanadka 2025.


 

Shirka waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasulaase, Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, Xoghayaha Guud ee Golaha Hay’adaha Diimaha Itoobiya Qasiis Liqa Teguhaan Tagay Taadhale, Madaxweynaha G20 Interfaith Forum Deblieu Kole Durham (Brof.), iyo sidoo kale madax diimeedyo iyo odeyaal dhaqameedyo.

Ugu dambayntii, Shirkan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay G20 Interfaith Forum, Midowga Afrika, iyo hay’ado kale oo hoos taga Midowga Afrika.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015