Donald Trump ayaa gaadhay Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 5/2017 (ENA): Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa booqasho diblomaasiyadeed oo ballaaran ku tegay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo ah safarkiisii ugu horreeyay ee caalami ah tan iyo markii uu markale xilka qabtay.


 

Donald Trump wuxuu booqashadiisa afar maalmood ah ku tegi doonaa Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, isagoo rajeynaya in safarkani uu horseedi doono maalgashi cusub oo weyn oo uu Mareykanka ka helo.


 

BBC ayaa ku warrantay in Trump uu jebiyay dhaqankii hore ee madaxda Mareykanka ay marka ay xilka qabtaan ugu horreyn u safri jireen dalal ay kamid yihiin Ingiriiska, Kanada iyo Meksiko, isagoo doortay inuu safarkiisii ugu horreeyay ee dibloomaasiyadeed ku tago Sacuudi Carabiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015