Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Itoobiya waxay xoogga saareen xoojinta iskaashiga adag ee ay ka leeyihiin ganacsiga iyo maalgelinta – Danjire Jung Kang - ENA Af-Soomaali
Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Itoobiya waxay xoogga saareen xoojinta iskaashiga adag ee ay ka leeyihiin ganacsiga iyo maalgelinta – Danjire Jung Kang

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 4/2017 (ENA): Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya ee Itoobiya, Jung Kang, ayaa sheegay in la siiyay mudnaan gaar ah sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga adag ee labada dal ku leeyihiin dhinacyada ganacsiga iyo maalgelinta.
Wuxuu xusay in xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Itoobiya uu ka sarreeyo xiriir diblomaasiyadeed oo caadi ah, isla markaana uu salka ku hayo isxilqaan taariikhi ah oo dhiig ku daatay.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu soo gaaray 74 sano, iyadoo Itoobiya ay door weyn ka qaadatay xornimada Jamhuuriyadda Kuuriya xilligii dagaalka, taas oo illaa maanta shacabka iyo dowladda Kuuriya ay si qoto dheer uga mahadcelinayaan.
Wuxuu xusay in xiriirka labada waddan uu si gaar ah u xoogaystay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.
Intii uu Danjire Jung Kang waraysiga siinayay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), wuxuu xusay in labada dal ay si gaar ah diiradda u saareen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ganacsi iyo maalgelin.
Danjiruhu wuxuu xusay in Itoobiya ay u hurtay naf iyo maal xorriyaddii Jamhuuriyadda Kuuriya, taas oo lagu xusuusanayo abaal iyo sharaf weyn.
Wuxuu tilmaamay in labada dal ay si wadajir ah ugu shaqeynayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhan walba leh ee muddo dheer soo jiray.
Tusaale ahaan, wuxuu sheegay in iskaashi miro-dhal ah uu ka socdo dhinacyada isdhaafsiga dhaqanka, waxbarashada, tignoolajiyadda, beeraha, caafimaadka iyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa xoog la saaray xoojinta iskaashiga ku saabsan ganacsiga iyo maalgelinta si xiriirka labada dal loo sii adkeeyo.
Danjiraha ayaa intaa ku daray in doorka muhiimka ah ee Itoobiya ay ku leedahay ilaalinta nabadda uu yahay mid lagu amaano oo mudan ixtiraam.
Wuxuu xusay in marka laga soo tago doorkeedii taariikhiga ahaa ee dagaalkii Kuuriya, Itoobiya ay sidoo kale kaalin muuqata ka qaadatay howlaha nabad ilaalinta ee ka socda wadamada Kongo, Rwanda, Liberiya, Suudan, Soomaaliya, Burundi iyo Koonfurta Sudan.
Danjiraha ayaa ugu dambayn sheegay in la gaaray heer uu xiriirka labada dal u gudbo mid qaan-gaaray oo dhisan, kuna saleysan isfahan, isxilqaan iyo saaxiibtinimo dhab ah.
#Ethiopia
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya