Tartanka Xirfadaha Qaranka Ayaa Muujiyay Guulaha Isbedelka Leh ee Itoobiya Ka Gaartay Xirfadaha Kala Duwan

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 2, 2017 (ENA) – Madaxa Xarunta Dhismaha Nidaamka Dimuqraadiga ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Mudane Aadan Faarax, ayaa sheegay in tartanka Xirfadaha Qaranku uu muujiyay guulaha waxkuo'lka ah ee Itoobiya ay ka gaartay dhinacyo kala duwan,waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dhammaystirka yoolalka qaranka,.
 
Tartanka afaraad ee Xirfadaha Qaranka, oo lagu qabtay halku-dhigga ah “Maakax wanaagsab, Muwaadiniin Xirfad leh,” ayaa maanta lasoo gabagabeeyay kaddib markii uu socday tan iyo Miyaasiya 27.

Tartankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xirfadaha, tiknoolajiyada, iyo cilmi-baarista la adeegsan karo.


 

Intii lagu guda jiray munaasubada xiritaanka, Mudane Aadan Faarax wuxuu sheegay in horumarinta xirfadaha ay muhiim u tahay kor u qaadidda tartanka qaranka. Wuxuu xusay in tartankani uu noqday tartan lagu soo bandhigay guulaha waaweyn ee Itoobiya iyo dhiirrigelinta dhamaystirka howlaha haray si hufan.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in tartanka qaran lagusoo bandhigay xallalka dhibaatooyinka dhabta ah, iyada oo lagu soo bandhigay xalal cilmi-ku-salaysan iyo dhiirrigelinta isticmaalka tiknoolajiyada daboolaysa baahida suuqa.


 

Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha, Muferihat Kamil, ayaa sheegtay in tartanka oo la qabto labadii sano mar uu muhiim u yahay xaqiijinta tayada tababarrada xirfadeed.

Tartankani wuxuu isu keenay dhalinyaro dhalinyaro kasoo tartamay deegaanada oo hormuudka ka ahaa oo ka kala yimid dhamaan dawlad-deegaanada iyo maamulada magaalooyinka, kuwaasoo ku tartamay tartanka heer qaran ee “Halyeyga Halyeyda” ee xirfadda iyo tiknoolajiyada.
Deegaanadii ku guuleystay tartanka ayaa la guddoonsiiyay koob dahab ah, shahaado iyo gaadiid.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015