Shirkadda Ethio-Telecom waxay daah-furtay madal ganacsi oo dhijitaal ah oo loo yaqaan "Zemen Gebeya".

Addis Ababa; Miicaad/Ginboot 01/2017 (ENA): Shirkadda Ethio-Telecom ayaa daah-furtay madal ganacsi oo dhijitaal ah oo la magac baxday "Zemen Gebeya" oo gaar ah nooceeda iyo helitaankeeda.

Daah-furka barnaamijkan casriga ah lagu qabtay Matxafka Sayniska ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxa fulinta shirkadda Ethio-Telecom Firehiwat Tamiru, madaxda sare ee shirkadda iyo marti sharaf lagu casuumay.


 

Madaxa fulinta ayaa halkaas ka tidhi in, barnaamijkan 'Zemen Gebeya' ee dhijitaalka ah, ee lagu dhawaaqay maanta, uu kor u qaadayo nidaamka ganacsi ee dhijitaalka ah ee jira heerka xiga. 

Waxa uu intaa ku daray in ay u ogolaato dadka wax iibsanaya in ay wax ka iibsan karaan online-ka iyaga oo aan la kulmin qof ahaan, taas oo meesha ka saaraysa kharashaadka aan loo baahnayn.

Waxa kale oo ay sheegtay in "Zemen Gebeya" ay doorkeeda wanaagsan ka ciyaari doonto socdaalka dhijitaalka ah ee Itoobiya.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015