7 ceel oo cusub ayaa lagu kordhinayaa ceelashii biyaha Waaji ee waraabinayay qaybo kamid ah xaafadaha magaalada Jigjiga

Jigjiga; Duugato/Miyaaziya 30/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin, masuuliyiinta hay’adaha: UNDP iyo Ciff ayaa booqday, ceelasha biyaha Waaji ee waraabiya qaar kamid ah xaafadaha magaalada Jigjiga.


 

Ceelashii hore ee magaalada waraabin jiray oo ahaa 7 ceel ayaa biyo yareeyay kaddib markii ay hoos uga dhaceen waxsoosaarkoodii 38 L/s. Waxaa iyana jirta in ay kala bateen, biyihii ceelasha ka imanayay iyo baahidii biyo ee bulshada.


 

Haddaba Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo ka duulaysa xal u helidda xaaladdaasi soo korodhay, kana faa’iidaysanaysa fursadda dhaqaale ee laga helay, hay’adaha deeq bixiyayaasha ah ayaa waxaa la isla qootay in ceelasha Waaji lagu xoojiyo 7 ceel oo cusub; kuwaasi oo soo saaraya 63 L/s.


 

Ceelashan ayaa kor u qaaddi doona heer daboolka biyaha magaalada Jigjiga. Masuuliyiinta ayaana soo kormeeray adeeg-bixinta ceelashii hore, islamarkaasina dhagaystay warbixin uu soo diyaariyay Xafiiska Biyuhu oo la xidhiidhay adeegga biyaha ee Waaji.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015