Barnaamijka raadka cagaaran ayaa deegaanka Hararida loogu diyaar garoobayaa iyada oo loo diyaariyay geedo badan oo la beero

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 30/2017 (ENA): Barnaamijka raadka cagaaran ayaa deegaanka Hararida loogu diyaar garoobayaa iyada oo loo diyaariyay geedo badan oo la beero.


 

Xafiiska horumarinta beeraha ee Deegaanka Hararida yaa ENA u sheegay in 70 boqolkiiba dhirta laga beeray deegaanka ay yihiin geedo khudaar ah oo loo isticmaalo cunto, halka boqolkiiba 30 ay yihiin kuwa kaynta ah.


 

Waxa uu intaa ku daray in si gaar ah isha loogu hayo diyaarinta geedo ka mid ah dhirta caanka ka ah deegaanka oo hadda sii baaba’aysa ama halis ku jirta, sida Cambashooga, Cambukaha iyo kuwo kale.


 

Haddana waxaa socda dadaallo lagu ogaanayo laguna diyaarinayo goobaha wax lagu beerayo batnaamijka raadka cagaaran, waxaana la filayaa in lagu beeri doono 1,000 hektaar oo dhul ah oo ku yaalla deegaanka.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015