Bandhigga Wax-soo-saarka Itoobiya waa madal muujinaysa awooddeena - Madaxweyne Taaye Asqasilaase - ENA Af-Soomaali
Bandhigga Wax-soo-saarka Itoobiya waa madal muujinaysa awooddeena - Madaxweyne Taaye Asqasilaase

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 29/2017 (ENA): Bandhigga wax-soo-saarka Itoobiya ayaa muddo shan maalmood ah ka socday Xarunta Caalamiga ah ee Shirarka ee Addis.
Waxaa ka qaybgalay tiro badan oo ka mid ah wax-soo-saareyaasha, daneeyayaasha la xiriira wax-soo-saarka iyo hay’ado kale, iyadoo Madaxweynaha Itoobiya Taaye Asqasilaase uu goobta tagay si uu u booqdo bandhigga.
Madaxweynaha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in horumarka dal kasta uu salka ku hayo wax-soo-saar; wax-soo-saarkuna uu dalka ka dhigo mid la tartami kara heer caalami ah, isla markaana kordhin karo wax-soo-saarka guud ee dalka.
Wuxuu tilmaamay in dalalka xoogga saara wax-soo-saarka ay dadkooda shaqo u abuuraan, sidoo kalena ay helaan horumar joogto ah oo leh aasaas adag.
Sida uu caddeeyay Madaxweynaha, Bandhigga Wax-soo-saarka Itoobiya wuxuu dhiirrigelinayaa in dadku rumaystaan awoodda ay leeyihiin, sidoo kalena uu yahay madal muujinaysa in Itoobiya ay leedahay awood wax-soo-saar oo la taaban karo.
Waxa kale oo uu sheegay in bandhigga lagu soo bandhigay badeecooyin tayo leh oo u qalma suuqa caalamiga ah.
Ugu dambayntii, Isagoo ka hadlayay dhaqanka ku tiirsanaanta badeecooyinka dibadda laga keeno, wuxuu xusay in tani ay tahay faham qaldan oo u baahan in laga takhaluso, lana barto sidii loogu soo saari lahaa badeecooyin tayo leh gudaha dalka.