Dib-u-habaynta Dhaqaalaha Guud oo Kordhisay Tartanaka Caalamiga ah ee Qaybta Wax-soo-saarka Warshadaha

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 29, 2017 (ENA) – Dib-u-habaynta dhaqaalaha guud ee dalka ayaa kordhisay tartanka caalamiga ah ee qaybta wax-soo-saarka warshadaha dalka, sida ay sheegeen shirkadaha warshadaha wax soo saarku.

Ra’iisul Wasaaraha JDFI Dr. Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga 3aad ee Ethiopian Tamrit Expo oo lagu qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa 3-da Miyaasiya 2017.

Dood-cilmiyeed qayb ka ahayd bandhigga ayaa halku-dhigiisu ahaa “kordhinta wax-soosaarka iyo tartammada warshadaha wax-soo-saarka iyada oo loo marayo hab-dhaqanka hay’adaha iyo isku-xidhka dhaqdhaqaaqa wax-soo-saarka Itoobiya.

Dood-cilmiyeedka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha, kastamada, teknoolojiyadda iyo ganacsiga, sidii loo heli lahaa adeegyo saadka oo la isku halayn karo oo loo adeegsado wax soo saarka, iyo fududeynta isu socodka badeecadaha iyo agabka.


 

Khalifa Xuseen, Madaxweynaha Ururka Soosaarayaasha iyo Dhoofiyeyaasha Hilibka ee Itoobiya, ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dawladdu qaaday si loo xoojiyo warshadaha ay bilaabeen inay miro-dhal noqdaan.

Waxa uu xusay in dib-u-habaynta dhaqaalaha guud ay xakamaysay ganacsiga sharci darrada ah isla markaana ay si weyn u kordhisay tartanka caalamiga ah ee qaybta wax-soo-saarka.

Waxa sidoo kale uu tilmaamay in adeegsiga tignoolajiyada ee gaadiidka iyo saadka uu sare u qaaday wax-ku-oolnimada warshadaha.

Horey, ganacsiga xoolaha ee sharci darrada ah ayaa si weyn u curyaamiyay waxtarka wax-soo-saarka. Balse dib-u-habaynta ka dib, Itoobiya waxay awood u leedahay inay sannadkii soo saarto 200,000 tan oo hilib ah.


 

Elsabeth Getahun, Guddoomiyaha Ururka Wakiillada gudbinta badeecadaha itoobiya iyo Wakiillada Maraakiibta Itoobiya, ayaa iyaduna sheegtay in isbeddelada dowladda ee dhinaca saadka ay keeneen horumar muuqda.

Waxay sharaxday in sharciyo cusub oo si gaar ah loogu talagalay qaybta warshadaha la dejiyay, isla markaana adeegyada ku saleysan tignoolajiyada si balaadhan loo hirgaliyay .


 

Gaar ahaan, adeegyo badan oo ka ah waaxda kastamda ayaa hadda noqday kuwo dijitaal ah.

Casriyeynta qaybta saadka ayaa hadda u suurta galisay dhoofiyeyaasha iyo soo dejiyeyaasha inay si hufan oo aan caqabad lahayn u shaqeeyaan.


 

Hibret Lema, Maareeyaha Guud ee Ururka Maal-gashadayaasha Xarunta Warshadaha ee Hawassa, ayaa dhanleeda sheegtay in dib-u-habaynta dhaqaalaha guud ay abuurtey fursado ay warshaduhu kaga maarmaan yaraanta lacagta qalaad.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015