Dhawaan waxaa magaalada Jigjiga lagu daahfuri doonaa mashruuc deegaanka lagaga qodayo 20 ceel iyo biyo-gelintoodii oo laga hirgelin doono 9 goobood oo kala duwan - ENA Af-Soomaali
Dhawaan waxaa magaalada Jigjiga lagu daahfuri doonaa mashruuc deegaanka lagaga qodayo 20 ceel iyo biyo-gelintoodii oo laga hirgelin doono 9 goobood oo kala duwan

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 29/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed, ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiin sare oo ka socday Hay’adda UNDP, kuwaasoo uu hoggaaminayay Sam Doe, Madaxa UNDP ee Itoobiya.
Kulankan waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda biyaha ee deegaanka, gaar ahaan meelaha ugu daran ee u baahan xal degdeg ah, si loo gaadhsiiyo biyo nadiif ah.
Kadib soo jeedinta warbixinta, waxaa la isla qaatay in dhawaan magaalada Jigjiga si rasmi ah loogu daahfuro mashruuca qodista ceelasha dhaadheer iyo xoojinta adeeg-biyoodyadii hore ee jiray. Wajiga koowaad ee mashruucan waxaa ku bixi doonta lacag 6 Milyan oo Dollar ah, oo u dhiganta lacag ka badan 780 Milyan oo Birr.
Lacagtan waxaa 5 Milyan oo doolar oo kamid ah bixinaysa Children’s Investment Fund Foundation (CIFF), halka 1 Milyan oo Dollar ay bixinayso Hay’adda UNDP.
Kulankan ayaa daba socday xidhiidho iyo kulammo badan oo ay masuuliyiinta xukuumaddu la yeesheen hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala deegaanka, si loo helo taageero ka baxsan khasnadda dowladda looguna kabo ka jawaabidda baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhanka biyaha.