Masuuliyiin ka socda Komishinka Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa booqasho ku tagay xarunta dhaqan toosinta ee Alamudiin ee Jigjiga

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 29/2017 (ENA): Masuuliyiintan ka socota Komishinka Xuquuqul Insaanka ee dalka ayaa waxaa kormeerkan ku wehelinayay Komishineerka Komishinka Asluubta DDS Mudane Bashiir Axmed iyo masuuliyiinta Komishinka Xuquuqul Insaanka ee Deegaanka Soomaalida. 


 

Ujeedada kormeerkan ayaa daarnayd ukuurgalida iyo xaqiijinta warbixinnada laga diwaangaliyay xaruntan dhaqancelinta Alamudiin ee magaalada Jigjiga ee ku saabsan daryeelka maxaabiista, ilaalinta xuquuqul insaanka iyo xaaladda guud ee ka jirta xaruntan.


 

Masuuliyiintii ka socotay Komishinka Xuquuqul Insaanka ee dalka oo warbaahinta Deegaanka la hadlay ayaa sheegay in xarumaha dhaqancelinta ee Deegaanku ay tusaale wanaagsan u yihiin kuwa dalka waxa ayna xuseen in sugidda xuquuqda maxaabiistu ay tahay mid aad u saraysa.


 

Waxa xusid mudan in isbadelkii kahor xabsiyada Deegaanku ay ahaayeen kuwo ay ka dhacaan gaboodfallo iyo falal argagax leh kuwaas oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015