Ururka Haweenka Itoobiya Ayaa U Gudbiyay Ajandayaashiisa Komishinka Wadatashiga Qaran - ENA Af-Soomaali
Ururka Haweenka Itoobiya Ayaa U Gudbiyay Ajandayaashiisa Komishinka Wadatashiga Qaran

Addis Ababa, Duugatp/Miyaasiya 29, 2017 (ENA) – Ururka Haweenka Itoobiya ayaa Guddiga Wadatashiga Qaran u gudbiyay ajandayaal laga soo ururiyay guud ahaan dalka si loogu daro geedi-socodka Wadatashiga qaran.
Ajandayaashan waxaa Ku wareejiyay Komishinka, Madaxweynaha Ururka Haweenka, Marwo Askalé Lema, Koomishneerka Komishinka Wadatashiga Qaran, Professor Mesfin Araya.
Ururku wuxuu sheegay in ajandayaasha laga soo ururiyay dhammaan dawlad-deegaanada iyo maamulada magaalooyinka, iayada oo diiradda la saaray arrimaha muhiimka ee qaranka iyo in haweenku si siman uga qaybqaataan oo ay uga faa’iidaystaan.
Ururku waxa uu xusay in si firfircoon uu uga qayb qaadanayo guusha wadatashiga qaran, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in wejiyada xiga ee geedi-socodka wadatashiga ay wax weyn ka tari doonaan horumarka Itoobiya,ee nabadda, iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
Komishineerka komishinka wasatashiga Qaranka, Brofessor Mesfin Ar'aaya, ayaa sheegay in komishinku uu u shaqaynayo si uu u fududeeyo wadatashiga isagoo diyaarinaya ajande ka caawinaya in la aqoonsado sababaha asaasiga ah ee khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanshaha ku saabsan arrimaha udub-dhexaadka u ah qaranka Itoobiya.
Wuxuu intaa ku daray in koomishinku uu ku dadaalayo in uu abuuro jawi ku habboon oo lagu dhisi karo is-afgarad guud oo ku saabsan arrimaha khilaafaadka sababta u ah.
Koomishinku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in uu si wax ku ool ah uga faa’iidaysan doono ajandayaasha ay soo gudbiyaan hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee si abaabulan uga qaybgalaya wadatashiga.