Dhaqdhaqaaqa Itoobiya Tamrit ayaa Kordhinaya Doorka Warshadaha Wax-soo-saarka

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 29, 2017 (ENA) – Dhaqdhaqaaqa Ha soo saarto Itoobiya ee (Ethiopia Tamrit) ayaa gacan ka geysanaya in warshadaha wax-soo-saarka ay door muhiim ah ka ciyaaraan beddelka wax-soo-saarka debadda laga soo dhoofiyo iyo shaqo abuurka, sida ay sheegeen daneeyayaasha warshadaha.

Ra’iisul Wasaaraha JDFI Dr. Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga ha soo saarto Itoobiya ee lagu qabtay 25 miyaasiya 2017 Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis Ababa.

Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa booqatay ganacsatadii ka qaybgalay bandhigga ee soo bandhigay wax soo saarkooda iyo adeegyada ay bixiyaan.


 

Yonas Shewangizaw oo ka socday shirkadda Enas Solution ayaa sheegay in Bandhigga hasoo saarto Itoobiya uu door weyn ka ciyaarayo kor u qaadista wax-soo-saarka warshadaha iyo abuurista fursado shaqo.

Wuxuu tilmaamay in warshadoodu ay awood fiican u yeelanayso soo saarista alaabooyinka biraha gudaha dalka, taasoo yaraynaysa baahida loo qabo lacag qalaad ee lagu soo dejiyo biraha.


 

Birtukan Getahun, oo ah Maamulaha Fulinta ee Shanghai Machinery, ayaa sheegtay inay bixinayaan mashiinno awood sare leh oo ku habboon baahida warshadaha ee Itoobiya.

Shirkaduhu waxay xuseen in diiradda gaar ah ee loo saaray warshadaha wax-soo-saarka iyada oo loo marayo dhaqdhaqaaqa Ethiopia Tamrit ay u suurtagelinayso warshaduhu inay si muuqata uga qaybqaataan beddelka wax soosaarka lasoo dejiyo iyo shaqo abuurka.

Solomon Tadesse oo ah kusimaha ka socday Pegasus Engineering ayaa sheegay in bandhiggu uu yahay madal qiimo badan leh oo lagu xayeysiin karo alaabaha biraha ee tayada leh iyo kuwa la jaanqaadaya heerarka, isla markaana gacan ka geysanaya dhisidda iskaashi ganacsi.

Wuxuu intaa ku daray in shirkadoodu hadda gudaha dalka Ku soo saarto qalabka baabuurta, islamarkaana qorshaynayaan inay ballaariyaan wax-soo-saarka alaabaha beddelka ah.


 

Marwo Yeserach Nigatu oo ka socotay DK Old Company ayaa sheegtay in bandhiggu yahay fursad wanaagsan oo lagu xoojinayo isku xirka suuqyada iyada oo loo marayo xayeysiinta alaabtooda iyo adeegyada ay bixiyaan.

Guud ahaan, shirkaduhu waxay carrabka ku adkeeyeen in dhaqdhaqaaqani uu taageerayo wax-soo-saarka gudaha ee badeecadaha horey dibedda looga keeni jiray, isla markaana uu si weyn uga qayb qaadanayo abuurista shaqooyin.

Waxay sidoo kale xaqiijiyeen in taageerada iyo kormeerka ay dowladdu siineyso qaybta waxsoosaarka ay gacan ka geysaneyso kor u qaadista wax-soo-saarka iyo awoodda warshadaha.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015