Xarunta Adeegga Hal-Goob ee Mesob Waa Astaanta Guusha Dadaallada Lagu Gaarayo Himilada Dijital Itoobiya ee 2025 – Wasaaradda

Addis Ababa, Duugato/Miyaasiya 29, 2017 (ENA) – Wasaaradda Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda ayaa sheegtay in Xarunta Adeegga Hal-Goob ah ee Mesob in ay muujinayso guusha dadaallada socda ee lagu hirgelinayo yoolalka Dijital ka toobiya ee 2025ka.

Xaruntan ayaa si rasmi ah waxaa dhowaan xadhigga uga jaray Ra’iisul Wasaaraha JDFI, Abiy Axmed (D.r).

Xaruntan adeegga hal goob ah waxay bixisaa adeegyo kala duwan oo dowladeed, iyadoo lagu mideeyay hal madal oo dijital ah.

Waxay muwaadiniinta u sahlaysaa inay si fudud u helaan adeegyo heer federaal ah oo kala duwan iyada oo loo marayo fursadaha dijitalka ah oo dhammaystiran. Waqtigan xaadirka ah, 12 hay’adood oo dowladeed ayaa la isku xidhay kuwaas oo bixiya in ka badan 41 adeeg.


 

Wasiiru dawlaha wasaarada Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda, Dr.Yeshirun Alemayaw, ayaa u sheegay ENA in xaruntani ay bixiso adeegyo hufan oo fudud iyadoo la isku keenay adeegyo badan oo dowladeed hal Goob ah.

Wuxuu intaa ku daray in nidaamkani uu ka qayb qaadanayo casriyeynta dhaqanka adeeg-bixinta Qaranka.

Sida ku cad istiraatiijiyadda Dijitalka ee Itoobiya ee 2025, in ka badan 800 adeeg oo dowladeed ayaa la filayaa in la casriyeeyo, taasoo si weyn u horumarin doonta hufnaanta adeegyada.


 

Sidaas darteed, Xarunta Adeegga Hal-Goob ee Mesob waxaa loo arkaa astaan cad oo muujinaysa guusha lagu gaarayo hirgelinta yoolalka istiraatiijiyadda ee heer dal.

Wasiiru dawluhu wuxuu sidoo kale xusay in ay socdaan dadaallo gacan ka geysanaya hirgelinta Dijitala Itoobiya ee 2025, kuwaas oo ay ka mid yihiin fidinta adeegyada internet-ka iyo korontada iyo dhismaha xarumo xog ururin ah (data centers).

Sidoo kale, waxaa socda diyaar garow iyada oo lala kaashanayo daneeyeyaasha si loo sameeyo istiraatiijiyadda Dijitallka Itoobiya 2030.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015