Darawal aan haysan shahaadada imtixaanka xirfadda looma ogolaan doonaan inay gaadiidka laxeeyaan - ENA Af-Soomaali
Darawal aan haysan shahaadada imtixaanka xirfadda looma ogolaan doonaan inay gaadiidka laxeeyaan

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 29/2017 (ENA): Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo sanadkan imtixaanka aqoonta xirfadda darawallada lagu qaban doono heer qaran.
Waxaa la sheegay in sababta imtixaanka xirfadda darawallada looga baahan yahay ay tahay in boqolkiiba 83 ee shilalka taraafikada ee dalka ka dhaca ay la xiriiraan darawallada iyo baabuurta.
Assefa Hadis, ayaa xaqiijiyay in imtixaanka la bilaabi doono sanadkan, lana marsiin doono darawallada hadda shaqada ku jira.
Sida lagu caddeeyay, imtixaanku wuxuu quseeyaa darawallada gaadiidka dadweynaha iyo xamuulka qalalan ee heerarka 1 ilaa 3 ah, iyo sidoo kale darawallada gaadiidka dareeraha ee heerarka 1 iyo 2.
Waxaa sidoo kale la sheegay in darawallada ay qaadan doonaan tababar xirfadeed ka hor inta aan la marsiin imtixaanka xirfadda (CoC).
Kadib tababarka, darawallada ayaa qaadan doona imtixaanka CoC, waxaana la sheegay in ruqsadaha darawalnimada ee ay helaan darawallada gudba imtixaankaasi ay yeelan doonaan aqoonsi caalami ah.
Dhinaca kale, darawallada aan ka gudbin imtixaanka xirfadda waxaa lagu celin doonaa tababar, kadibna markale ayaa la marin doonaa imtixaanka.
Waxaa sidoo kale la caddeeyay in darawal aan haysan shahaadada aqoonsiga xirfadda uusan xaq u lahayn inuu darawal sii ahaado.
Ugu dambeyntiina, imtixaankan xirfadda wuxuu sidoo kale saamayn doonaa darawallada gaadiidka taksiga iyo kuwa kale oo badan.