Shirka 5aad ee Horumarinta Ganacsiga u dhexeeya Pakistan iyo Afrika iyo Carwada Ganacsiga ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa - ENA Af-Soomaali
Shirka 5aad ee Horumarinta Ganacsiga u dhexeeya Pakistan iyo Afrika iyo Carwada Ganacsiga ayaa lagu qabanayaa Addis Ababa

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 2/2017 (ENA): Danjiraha Pakistan u fadhiya Itoobiya, Atif Sharif Miyan, ayaa shaaciyey in shirka 5aad ee horumarinta ganacsiga u dhexeeya Pakistan iyo Afrika iyo carwada ganacsiga lagu qaban doono Addis Ababa, hoolka Millenniyum, laga bilaabo 7-da ilaa 9-ka bisha sagaalaad ee 2017 T.I.
Danjiruhu wuxuu sheegay in ka badan 100 shirkadood oo Pakistani ah ay ka qayb qaadan doonaan carwadaas iyo shirka, taasoo diiradda lagu saari doona xoojinta xiriirka ganacsi ee Pakistan la leedahay waddamada Afrika.
Badeecooyinkan la soo bandhigi doono waxaa ka mid ah daawooyin iyo qalab caafimaad, agabka quruxda iyo daryeelka maqaarka, dhar, cunto, wax soo saarka beeraha, agabka baabuurta, qalabka korontada iyo alaabta guryaha.
Danjiraha Itoobiya u fadhiya Pakistan, Jamaal Beker, ayaa isna sheegay in Pakistan ay ku baraarugsan tahay inay maalgeshato fursadaha ka jira Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, taas oo horseedaysa maalgashi ay sameeyaan ganacsatada Pakistani ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in ganacsatadaasi ay danaynayaan inay maalgeshi ku sameeyaan beeraha, dharka, caafimaadka iyo fursadaha kale ee la xiriira maalgashiga.
Shirkan iyo carwadan ganacsi waxay gacan ka geysan doontaa xoojinta xiriirka adag ee u dhexeeya Itoobiya iyo Pakistan, ayuu yiri danjiruhu.
Waxaa la filayaa in shirka ay ka soo qaybgalaan masuuliyiin sare oo ka socda dalalka Afrika iyo dowladda Pakistan, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo maalqabeenno, iyaga oo sahmin doona fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya labada dhinac.
Shirkan wuxuu ka koobnaan doonaa doodd-cilmiyeedyo ganacsi, kulammo fool-ka-fool ah oo dhexmara ganacsatada, iyo madallo rasmi ah oo u dhexeeya labada dowladood.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya