Si loo dedejiyo mideynta dhaqaalaha Afrika, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka – Tagaase Jaafo - ENA Af-Soomaali
Si loo dedejiyo mideynta dhaqaalaha Afrika, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka – Tagaase Jaafo

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka, Tagaase Jaafo, ayaa sheegay in si loo dedejiyo mideynta dhaqaalaha Afrika ay lama huraan tahay in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka.
Bandhigga ganacsi iyo shirweynaha lixaad ee haweenka hal-abuurka leh ee COMESA (Suuqa Wadajirka ah ee Bariga iyo Koonfurta Afrika) ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.
Tagaase Jaafo oo ka hadlayay xafladda furitaanka bandhigga ganacsiga ayaa xusay in mid ka mid ah yoolalka muhiimka ah ee Qorshaha Afrika 2063 uu yahay xaqiijinta sinnaanta haweenka iyo ka faa’iideysigooda dhaqaalaha.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in shaqo qorsheysan iyo isku duuban ay door muhiim ah ka ciyaari karto horumar waara oo Afrika gaarto.
Wuxuu xusay in Itoobiya ay xubin firfircoon ka tahay COMESA, islamarkaana ay dadaal xooggan ugu jirto sidii heshiiska Suuqa Xorta ah ee Afrika (AfCFTA) uu u noqon lahaa mid miro-dhal ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadaallada Itoobiya ay ku hormarineyso dhaqaalaha guud ay abuureen xaalad u wanaagsan kobaca ganacsiga gaarka ah iyo tartan xalaal ah.
Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo ka-qaybgalka haweenka si loo dedejiyo mideynta dhaqaalaha Afrika, isla markaana taageerada COMESA ee haweenka hal-abuurka leh ay sii socoto.
Wasiirka Ganacsiga iyo Iskuxidhka Gobolka, Dr. Kaasaahun Gofe, ayaa isaguna sheegay in haweenka waddamada xubnaha ka ah COMESA ay door weyn ku leeyihiin dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
Wuxuu sheegay in, inkastoo caqabado ay jiraan, haddana haween badan ay si guul leh uga dhex muuqdeen ganacsiga.
Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya si go’aan leh uga shaqeyneyso mideynta dhaqaalaha Afrika, islamarkaana ay la tacaalayso caqabadaha jira si xal waara loo helo.
Dr. Kaasaahun wuxuu ku baaqay in waddamada xubnaha ka ah COMESA ay si wadajir ah u shaqeeyaan si loo xaqiijiyo midnimo dhab ah oo Afrika gaarto.
Guddoomiye Ku-xigeenka Komishinka Midowga Afrika, Danjire Salma Malika, ayaa sheegtay in xoojinta is-dhaafsiga ganacsi ee u dhaxeeya waddamada Afrika ay lagama maarmaan u tahay dedejinta mideynta dhaqaalaha qaaradda.
Waxay intaas ku dartay in Midowga Afrika uu wado mashaariic kala duwan oo lagu xaqiijinayo sinnaanta haweenka iyo kor u qaadista ka-qaybgalkooda dhaqaale, kuwaas oo haatan si ficil ah u socda.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya