Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa ku heshiiyey in la dhiso guddi isku-dhaf ah heer wasiir

Addis Ababa; Duugato/Miyaaziya 29/2017 (ENA): Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa maanta kala saxiixday heshiis lagu dhisayo guddi isku-dhaf ah oo heer wasiir. 

Guddigan ayaa la sheegay in uu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dal.  


 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Gedhiyoon Timotiyos (Dr.) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Terese Kaikwamba Wagner.

Wasiirada ayaa ka wada hadlay arrimo sii xoojin kara xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan leh.


 

Waxayna is dhaafsadeen fikrado ku saabsan nabadda iyo amniga gobolka iyo deegaanka, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in laga shaqeeyo mabda'a xallinta Afrikaanka ee dhibaatooyinka Afrika. 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in labada wasiir ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhameystiran oo lagu dhisayo guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah oo sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015