Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa Hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Jarmalka - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy (Dr.) ayaa Hambalyo u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Jarmalka

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa hambalyo u diray Frederik Mers oo loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee dowladda Jarmalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu farriintiisa hambalyada ku xusay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jarmalka oo haatan maraya 120 sano, isagoo xoojiyay rajadiisa ah in iskaashiga labada dal uu sii xoogaysan doono, islamarkaana uu saldhig u noqon doono danaha guud ee caalamiga ah ee ay wadaagaan.