Dr. Gedhiyoon Timootiwoos ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Gedhiyoon Timootiwoos, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway, Asmund Grofer Akreyst.

Kulankooda waxay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal iyo wadashaqeyn dhinacyo badan oo quseeya arrimaha horumarinta iyo masiirka caalamiga ah.


 

Sidoo kale, labada dhinac waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga ka jira madallada badan ee iskaashiga caalamiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in kulankaasi qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Itoobiya iyo Norway.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015