Danjiraha Itoobiya ee Pakistan oo la kulmay Agaasimaha ISSI

Addis Ababa, Duugato/ Miyaasiya 28/2017 (ENA): Safiirka Dowladda Itoobiya ee Pakistan ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ku sheegay inuu xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula yeeshay Danjire Sohayl Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Machadka Daraasaadka Istiraatiijiga ah ee Islamabad (ISSI).

Danjiruhu wuxuu sheegay in kulankaasi lagu falanqeeyay dhammaan dhinacyada xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Pakistan, isla markaana laga wada hadlay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya ISSI iyo hay’ad la mid ah oo ku taalla Itoobiya.


 

Danjiraha ayaa u iftiimiyay Danjire Sohayl Maxamuud doorka hormuudka ah ee Itoobiya ka qaadato mideynta gobolka iyo Pan-Africanism-ka, iyadoo martigelisa shirar heer caalami ah, la wadaagta kheyraadkeeda waddamada deriska ah, islamarkaana ka shaqeysa nabadda iyo amniga qaaradda Afrika.


 

Danjiruhu wuxuu martiqaad rasmi ah u fidiyay Danjire Sohayl si uu u booqdo Itoobiya xilliga Bandhigga ganacsi ee Pakistan oo ka furmi doona magaalada Addis Ababa 15-ka May, 2025.


 

Danjiruhu wuxuu ugu dambeyntii muujiyay rajadiisa ku aaddan in labada dal ay sii xoojiyaan xiriirkooda walaaltinimo iyagoo iska kaashanaya dhinacyo badan.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015